Cilmi baadhis An ku Sameyey, Mustaqbalka Somaliland Vs Somalia. Waa Xaqiiqda dhabta ah Ee wadda Hadalka Socda Wajiga Saarey. Qalinkii Ambassador Diinaari.

diinaari

Akhri oo Si fiican u Dhuux, Akhriste.

Waxaa, hubaal ah. In dadka badankiisu arko halka wax marayan, manta balse ey suaalo badan is weydinayaan. Inta badana an jawab loo heyn.

Hadaba suaasha kowaad.

Somalia, ama Somaliland Caalamku waji buu ka rabey, waxaadna mooda in wajigii wadadiisii cagta la saarey, qoloba waliba iyadoo sidey jecleyd ka dhadhan saneysa wada hadalka ayaad.

Waxa soo ifbaxey wajigii labaad ee wada hadalka Somaliland vs Somalia, inuu ku soo gaba gaboobey Qodobadan hoos ku qoran.

 Todobadan qodob.

1- Labada dhinac [dawlada federaalka Soomaaliya iyo dawlada Somaliland] inay sii wadaan wadahadalada u socda.

2- Labada dhinac waxay ayideen labadii heshiis ee hore ee wadahadalada ahaa ee dhexmaray dawladii kumeelgaarka ee Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

3- In labada dhinac ay wadahadalada sii wadaan iyadoo beesha caalamka dhanka farsamada ka caawin doonto.

4- In Iskaashi buuxa laga yeesho dhanka nabadgelyada iyo tababarada ciidamada amaanka.

5- In la wadaago deeqaha beesha caalamku siiso Soomaaliya oo Somaliland qeybteeda ka hesho.

6- In muddo 90 cisho gudahood ah kulan labaad lagu qabto, kulankaasoo ka dhici doona magaalada Istanbul ee wadanka Turkiga.

7- In labada dhinaca ay joojiyaan hadallada xanafta leh ee wax u dhimi kara wadahadalada socda.

 Maxey Bulshada Caalamku Rabtaa, Somalia Nooce ah.

Qodoban kadib, Bulashada calamku waxey rabta iney hesho. Maamul dowladeed oo gabi ahanba maamula gayiga somalida. Si ey helaan xasiloni dhalata Madaqada, iyo Geeska. Sidi loga dabar Goyn laha.
• Budhcad Badeeda.
• Argagixisada

Dhinaca kale, waxey rabaan Bulshada Caalamku Iney Hal waddo u maraan kheyraadka ku Duugaan Somalia & Somaliland, Hadey Hali karaan iyago ah Hal Dowladood.

Labadaas qodob kadib, waxa soo kordhey Dowladd Federaalka oo larabo in la dhiso Heykalkeda Dolwadood iyadoo ah Dowlad leh Awoodahan Hoos ku qoran.

Somalia waxey ku jirtey 22 sano wadan burbur ah oo aan bulshada caalamku ku qiimeyn dowladnimo & sharci kala dabeyn leh.

22 sano Somaliland waxey u dhismeysey si heylkan dowladnimo leh oo sii kobcayaa balse aan wali gaadhin hadafkii uu lahaa. Ictiraaf Caalamka Ka helin.

Hadaba Maxey Dowladani kaga Duwan tahey Dowlahii hore KMG ee Somalia

Runtii wey ka duwan tahey dowlahii hore kumeel gaadhka ee Somalia. Awood ahaan Sharci oo ah mid dowlahadii hore ku meel gaadhka. Oo aan laheyn sida hoos ku qoran:

1. Sida wax ka bedelka Xuduudaha Dalka.
2. Qaadashada Deymo, Dhaqaale,
3. Galis Heeshiisyo Calaamiya.
4. Qaadashadda Hantidii Keydka aheyd Ee Umadda Somaliyeed
5. Dastuur Si sharci lagu Sameyey basle wali mad madow ku jiro. Walina khilaaf weyni ka abuuran yahey siyo badan owgi.

 Waxa sii Raaca Qodobadan:

 In waxii Hanti ah ee Somalia laheyd lagu wareejin karo ee wadama adunku u hayeen ama u taaley dowladii Somalia ee burburtey 1991.

 Iney ka qaadan karto Deyn, Bananka adduunka iyo dowladaha adunka taaso lagu magacaabayo (Crisis Loan)
Deynkii waqtiga Kacdoonka. Oo hadhow la rabo iney dib u bixiso. Ama noqon kara lacagta logu deeqo wadama dhibateysan ee UN charterka ku Qexaan

 Iney Tahey Dowladd Sharciya oo Caalamku u Ixtiraamayo waxii ey ka Dalbato ama ka codsato Dowladaha Dunida.

I. Intey tahey dowlad xuduudaheeda calamiga ah iyo xadkeeda lagu ixtiramayo.

II. Intey tahey dowladd buuxisey shuruudahii dowladnimo loga baahna

III. Iney tahey dowladda qudha ee lagu dhisey dalka gudahiisa si dimuqraadiya. Marka lo eego xalada Moqdisho ahan jirtey.

IV. Iney Tahey Dowladd Federaal Ahaan Caalamku u Aqoon san yahey.

Hadaba manta waxa Somalia ka dhalatey Dowladd calamku u ictiraafsan yahey dowladnimo federal ah Balse aaney Somaliland ka mid aheyn laakiinse somalida inteeda kale iyo caalamkuba u heysan Somali. “ Somalia waa midd”

Waxase jirta waji kaas, ka-duwan oo wadamo badan iyo bulshada calamkuba u arkaan in sida gabi ahaanba geeska ama gobolka xal logu hello Somaliland iyo Somalia ey kaga wada hadlaan mustaqbalkooda, wada hadalkaasoo bilaabmey oo aad wada ogyihiin.

 Maxad Hadaba Somaliland La Gudboon. Waqtigan fog ee Odoroska Siyasadeed

Waxaad moda in qodoban qaarkood ey iftiiminayan wajiga an kor ku soo shegey oo ah in la rabo in la Aburo (Dowlad Co-Federation ah oo Somaliyeed)
Taaso ey dowladaha Addunka inta badani wadaan. Sida: AU, EU, UN, IGAD, OIC. Arab legue Iyagoo ka dulayaa in aan Somalia la kal goyn. Taaso sababo kala duwan leh balse anan halkan kaga hadleyn.

Hadaba Hadii lagu Guuleysto Dowlad Xamar laga dhiso oo ey Noqoto Dowlad Xoogeda iyo Mamulkeeda leh. Oo Hanata dhamaan intii la isu odhan jirey. Somalia italia. ( Italian protectorate)

Waxa mar walba ka go’an shacabka Somaliyeed ee kudhaqan Koonfur in aan Somaliland ka Go’in Marnaba. Hadii ey helaana Dowlad Tayo leh weyka sii adkeynayaan ujedaa ey ku rabaan in aan Somaliland Go’in.

 Hadaba Maxaa Somaliland Laga Rabaa.

Xaqiiqda dhabta ah, ee Somalia rabta hadii u yahey macaal Federation Maaha mid ey Rabaan in laga maamulo waqooyi,

Somaliland Hadaba. Shurudaha Laga Rabo Ee ey kaga Bixi kartaa Arintaa Waa Qodoban Hoos ku Qoran.

1. In ey waqtiga ugu mihiisan Bulsahada Calamka ka dhadhiciyaan Afti dadweyne oo loo dhan yahey in laga qaado Somaliland Mar labaad. Si logu Qanciyo Rabitanka shacabka

2. Hadii Co-Federation Caalamku Taagerayo Ey Qaadato Somaliland ama lagu khasbo waa iney ku xidho shurdahan.

• In Horta Mamulka Dowladda Federalka ee Xasan Sheikh uu noqdo mid mamula gabi ahaanba konfurta Samalia si nabad Galyo ah.
• In Caasimadku Hargisa Noqoto.
• In Mudo 10 sano ah Co-Federationku Noqdo Somalilandna laga maamulo
• In Madaxweynaha Co-Federationku Nodqo Waqooyi ku xigenkuna Konfur.
• In Parlamenku Siidan ahaado, illa inta laga gaadhayo dhamaadka 10 sano
• In Lacagta Ciidamadu Sida Hader, Lagu Heshiyey ey wada shaqeyan balse aan la is dhex galin. Ilaa ey soo noqoneyso Aaminkii ama Kalsoonidii.
• In wax walba oo horumarka Dalka ah Qoloba Degaankeeda loo fasaxo.
• In waxii dhaqaale ama Deyn, Addunka laga Qaadanyo La qeybsado.
• In Amaanka iyo Nabadgalayada la wadda ilaaliyo.

Qodobaas Runtii waxaan qabaa, in ey Dabar u noqon karaan. Midnimo Somaliyeed ee la Donayo. Waayo ma rabaan walalahena Somaliyeed.

• In Caasimadda Moqdisho laga Raro.
• In Madaxweyanaha Federalka Somaliyed Noqdo waqoyi waxey ogol yihin Priminsiter
• Waxey rabaan In sidii hore la isugu noqdo oo aan aheyn mid baanan manta.
• Waxey rabaa in dalka dhaqalahiisa oo dhan Xamar laga maamulo.

Hadaba reer Somaliland Maha in ey Gabadaan waayo ta soo soctaa ee Manta wada hadalka iiga Muuqataa.

Waa Co-Federationkii oo sidda Dawadda Macaan Somaliland Loogu Durayo, Iyagoo aad moodo in aan la dhaadin. Waqtiga fog una heysta wada hadalka iyo xidhiidhka markey donan iney ka bixi karaan.

Hadaba waxan raba inago waddna Wada hadalka, Kana faa’ii deysaneyna waxeynu qabsaney, Somalia aan nebceyn, Himiladii Qaranki wajiga lagu gadhaya waa kaas aan kor ku soo sheego
Adigoo ku xidha. Ama Federalka ama Co-Federaalka.

Ninka Aan Garan Maanta Waxa Jooga Ma Garan karo wax Beri Soo Socdda.

Waayo Diyaar umaha ah Somalida Xamar ku nooli. Waxase dhici karta Qodobaa in ey qaar Aqbalaan ama ka Tanasulaan. Sidda:
• Madaxweynhu Dowladda Co-Federalka Somalia Waqoyi haka soo jeedo Casimadu Moqidisho ha ahaato.

Sababtuna waxa weeye, Dowladnimada Yaan laga soo rarin Konfur. Waxey tahey, hadii aaney ogolaaneyn labadaas Qodob wax lagu aamini karo, Madaxweyne xamar tagaa. Waxu ka dhigan Yahey, Sida Ragga Manta Somaliland ee Xmar joga Ka yihiin.

Gunaanadd;

Waxa Mihiimaddu Tahey, In Madaxweyne Siilaanyo. Magacaabo Guddi Heer Qaran ah oo noqda: (Technical Foreign Policy Analyze Committee) Oo ka kooban Aqoonyahanka Somailland, 3 Xisbi Qaran. Diplomasiyiintii hore. Kuwaas oo ku sameya Cilmi Baadhis ama Worshop Socda Muddo Kooban. Kaas oo lagu Deraseynayo. waxa ka soo bixi kara Akhirka wadda hadaladan Somaliland Vs Somalia. iyo Siyasadda Arimaha Dibadda ee Somaliland. Mustqabalka halkii lagu jiheyn lahaa.

Sidda:

• Wadda Hadalkan Socda Mustaqbalka Fogg
• Maxaa Somaliland ku wajaheysa, Isbedela ka soo ifbixi kara wadda hadalka Somalia
• Haddi ey Marna yeesho Marna Diido Sumacadda Diplomasiyeed ee ey la leedahey calamka Somliland intee ku iman Kara hoos u dhac.
• Somaliland Maxaa ku khasbi Kara Co-Federation ama Ey Kaga Badbaadi karta sidan kor ku Sheegey.
• Sidee Somaliland Bulshada Caalamka uga dhaadhicin karta Qadiyadeda Si dhaba
• Sidde loo tusi karaa in Somaliland Midtahey, oo aan Gobolada Qaar diidaneyn Qadiyadda Somaliland.
• Sidde loo ogaadda wajiga dhabta ama Diplomasiyadeed ee Dowladaha, IGAD, AU,UN,UE; OIC.Arab Legue. Ka leeyahiin Qadiyadda Somaliland.

Akhriste Hadad la yaban tahey, Fikirkan Waqtiga ku sheegi dona. Malintaas Ha ino ahaato.

Ambassador Abdirzak Diinaari.
Diinaari1960@gmail.com