Daawao Sawirada R/Wasaare Saacid oo Addis soo dhaweyn wanaagsan loogu sameeyay kana qeyb galaya Munaasabad lagu furayo Hay’ad loogu Magac daray R/Wasaarihii Dhintay ee Itoobiya

Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), R/wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo wafdi uu hogaaminayo ay ku suganyihiin dalka Ethiopia Ayaa maanta magaalada Addis Ababa waxa uu uga qeyb gelayaa xaflada furitaanka Hey’adda Meles Foundation oo noqon doonta hey’ad ka shaqeyn doonta dhamaan wadamada IGAD.

Magaca Hey’addan waxaa lagu maamuusayaa R/wasaarihii hore ee dalkaasi Ethiopia oo Shucuubta dalkaasi ay aad u jeclaayeen.

Saacid ayaa ka qeyb galka Furitaanka Hey’addasi kadib kulamo kala duwan kula qaadan doona Madaxda dalkaasi oo uu ugu horeeyo Ra’isulwasaaraha Ethiopia Hayle Mariam Disale, oo ay ka wadahadli doonaan xoojinta xiriirka Labada dal ee deriska ah.

Cabdi Xakiim Fiqi iyo Cabdi Kariim Guuleed, Wasiirada Gaashaandhiga iyo arrimaha Soomaaliya oo R/wasaaraha socdaalkiisa ku wehliya ayaa waxa ay kulamo gooni gooni ah iyana layeelanayaan wasiirada asaagooda ah ee dalkaasi Ethiopia iyaga oo ka wadahadli doona sidii labada dal ay isaga kaashan lahaayeen dhinacyada Amaanka iyo Gaashaandhiga oo ah halbowlaha jiritaanka dowlada aduunyada oo dhan.

Salaanmedia/Adisb-Ababa