Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Daawo Sawirad tababarka ciidamada meleteriga Soomaaliya oo Mogdisho lagu soo bandhigay.

 

Muqdisho, April 28, 2013—-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa maanta tilaabo dhiiragelin ah u sameeyey askarta cusub ee ciidanka xoogga dalka ee ku jira xerada tababarka Jasiira, kuwaasoo ay tiradoodu gaareyso kun askari.

Agaasimaha Arrimaha Bulshada ee xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Cali Cabdi Wardheere (Cali-yare), ayaa saaka gaarsiiyay cadad Geel ah oo ah hadiyad ciidanka uga timid Ra’iisal Wasaare Saacid, looguna talagalay in loo qalo ciidankaasi ku jira xerada tababarka ee Jasiira.

Waana tilaabo lagu dhiir-galinayo ciidanka, maadaama ay ku jiraan tababar adag oo waqti dheer qaatay.

Ciidankan ayaa lagu wadaa in qeybtooda hore uu tabo-barku u xirmo dhamaadka bisha Meey.

Gaashaanle, Faandhe Jaamac Kaarshe oo ah taliyaha dugsiga tababarka ee Jasiira ayaa ka mahadceliyay taakuleynta khaastaa ee katimid Ra’iisal Wasaaraha, wuxuuna xusay in ciidanku ay u baahnaayeen in inta ay ku jiraan tababarka ay helaan taakuleyn toos ah oo ka timid madaxda qaranka.

Ciidankan ayaa waxaa halkaasi ku tababaraya saraakiil Soomaaliyeed oo khibrad dheer u leh dhanka tababarka ciidamada, iyadoo la siinayo casharo qaabka dagaalka, difaaca iyo wadaniyadda.

Tababarkaan ayaa kii ugu horeeyay ee noociisaa ee ka dhaca dalka gudihiisa intii ka dambaysay 1991.

Waxaana ay dawladda Soomaaliya ku tilmaantay horumar laga gaaray dhanka tayaynta Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed ee saldhiga u ah hanashada amniga dalka guud ahaan.

Salaanmedia/Mogdisho




Leave a Reply