Daawo Sawirada “Muuqaalka Safaradda Cusub ee Dalka Ingriiska oo Maanta Laga Furay Muqdisho 22 Sano kadib!!

Daawo Sawirada “Muuqaalka Safaradda Cusub ee Dalka Ingriiska oo Maanta Laga Furay Muqdisho 22 Sano kadib!!

Xoghayaha Arrimaha Dibada Ingiriiska William Hague ayaa waxaa uu kulamo ku laqaatay Maanta Magaalada Muqdisho ,Madaxda ugu sareysa dowlada Soomaaliya sida Madaxweynaha iyo Ra’’iisulwasaraha Soomaalia.

William hague markii uu maanta ka soodagay Garoonka diyaaradaha Muqdisho waxaa halkaasi ku soo dhaweyey ku xigeenka raisul wasaaraha ahna wasiirka arrimaha dibeda Somalia iyo saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM

Xogahaha Arimaha Dibada Ingiriiska ayaa ujeedadiisa ugu weyn ee Muqdisho uu u tagay waxaa ay aheyd in uu dib xadhiga ugajaro Safaaradii Ingiriiska uu ku lahaa Soomaaliya oo Mudo 22 sano ah xidhneyd.

William hague ayaa waxa uu sidookale kulamo laqaatay Madaxweynaha Soomaalya Xasan Shiikh,kulankaasi oo aan wax badan saxaafada ka ogaanin ujeedkiisa ,laakiin dad goob jooga ah ayaa sheegay in Madaxweynaha in Dowladda Ingiriiska ugu mahadceliyey furitaanka safaarada.

Salaanmedia/Mogdisho