Daawo Sawiro xafladii ugu balaadhneyd ee Xisbiga Waddani ku qabsadeen London.

Waxa habeenkii Sabtida oo ku beegnayd 20.4.13 ka dhacday xaflad aad u qurux badan oo ay soo abaabuleen madaxda Xisbiga Waddani UK, Xafladaas oo ay soo buux dhaafiyeen shacabka reer Somaliland iyo tageerayaasha xisbiga Waddani, dadka kasoo qaybgalay madax sar-sare oo ka tirsan xisbiga,laamaha UK,Haween,dhalinyaro iyo odayaal aad looga qadariyo dalkan Ingiriiska.

Ugu Horeyn waxa lagu furay Aayado Quraanka Kariimka ah kadibna waxa madasha lagu soo dhaweeyey gudoomiyaha UK ee Xisbiga Waddani Mudane Axmed Cali Naahi oo warbixin dheer kasoo jeediyey hawla xibiga ay qabteen isaga iyo gudoomiyaashii ka horeeyeyba iyo himilada ay hiigsanayaan,waxa kale oo uu ka waramay xaaladda guud ee xisbigu ii wakhtigan ku sugan yahay oo uu ku tilmaamay mid aad u sareysa. Waxa kale oo uu ku dheeraaday dedaalka ay wadaan ee ay ku kasbanayaan shacab badan oo malinba malinta ka danbeysa xisbiga kusoo biiraya.

Waxa kale oo ka hadlay xaflada madax sare oo ka tirsan Xisbiga UK iyo Yuruba waxayna isugu jireen rag iyo Haween oo dhamaantood ka waramay intii ay xilalka hayeen wixii u qabsoomay oo ay ku tilmaameen guul ay ku talaabsadeen,waxay sidasoo kale muujiyeen inay sii laba-laabi doonaan hawlaha xisiga si ay u gadhaan himiladooda.Waxa kale oo ay tageerayaasha xisbiga Waddani ku booriyeen in ay iyaguna muujiyaan inay tageeradood sii kordhiyaan.

Waxa iyaguna xafladda oo ka dhacday badhtamaha magaaladda London (Central London) dadweyne kale oo ka mid ah shacabka reer Somaliland oo isugu jirey wayeen magacweyn kuleh dalkan aynu joogno iyo haween dhamaantoodna aad ugu amaanay cidii soo abaabushay madashan quruxda badan, waxa kale oo ay u rajeeyeen in xisbiga Waddani uu guulo waaweyn kasoo hoyn doono doorashooyinka soo socda,noqona doono inuu dalka hogaamiyo.
Ugu danbeyntii waxa hadalka lagu soo dhaweeyey Gudoomiyaha Barlamaanka Somaliland ahna Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cabdiraxmaan Ciro) iyo Dr Maxamed Cabdi Gaboose oo kasoo jeediyey xafladda laba khudbadood oo aad dadkii uga heleen una jecleysteen,ugu horeyn waxay mahadnaq usoo jeediyeen dhamaan dadkii xafladdan quruxda badan soo abaabuley iyo tageerayaasha xisbigaba sida quruxda badan ee ay usoo buux dhaafiyeen.Waxa kale oo ay  guud ahaan ka warameen xaaladda guud ee Somaliland wakhtigan ku sugan tahay,xaga nabadgalyada,dhaqaalaha,arimaha dibada,kulamadii ay xukumadda Madaxweyne Siilaanyo  la yeesheen Dawlada Somalila ee ka dhacay Turkey iyo arimo kale oo khuseeya Somaliland.

Gudoomiyah Baseerah Training Centre Sheekh Cabdilaahi Cismaan

 

 

Waxa aan idiin soo gudbin doonaa khudbaddaha ay labada mudane ee Cabdiraxmaan iyo Dr gaboose ay madasha ka akhriyeen oo VIDEO ah.

Xamse Axmed Salaan
London
www.salaanmedia.com