Feysal Cali Waraabe “Rag Uu Cali Khaliif Galeyr Ka Mid Yahay Ayaa Qori Dab Leh Ku Wada Heshiiskii Somaliland Iyo Soomaaliya”+ Video

Feysal Cali Waraabe “Rag Uu Cali Khaliif Galeyr Ka Mid Yahay Ayaa Qori Dab Leh Ku Wada Heshiiskii Somaliland Iyo Soomaaliya”+ Video

”Qaadka aan iska deyno oo lacagteena aynu gelino difaaca dalka”..Gudoomiye Faysal Cali waraabe

Hargeisa(SM)-Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Eng. Feysal Cali Waraabe ayaa si kulul uga hadlay Mooshinka qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ay ka keeneen Heshiiskii Somaliland iyo Soomaaliya ku gaareen magaalada Ankara ee dalka Turkiga.

Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay inay jiraan rag diidmo wada, oo aanay dooneyn in Soomaaliya ay heshiiso, isagoo tilmaamay inay caqabad ku yihiin wada hadalada u socda Soomaaliya iyo Somaliland.

“Rag diidmo wada baa jira oo uu Cali Khaliif Galeyr kiw ka yahay, in Soomaaliya heshiiso ayay diidan yihiin, waxaa cadaatay in ay weerar ku yihiin beejki walaalnimada in la dhiso”ayuu yiri Feysal Cali Waraabe.

Waxaa uu ku eedeeyay Dr. Cali Khaliif Galeyr inuu dhibaatooyin gaarsiiyay Somaliland, isla markaana uu doonayo inuu curyaamiyo heshiiskii labada dhinac ku gaareen magaalada Ankara ee dalka Turkiga sida uu yiri.

Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka ayaa mooshin ka keenay heshiiskii Soomaaliya iyo Somaliland, iyadoo heshiiskaas uu dib u dhigay kulan Mudanayaasha Baarlamaanka ay maalin ka hor ku yeelan lahaayeen Xarunta Golaha Shacabka.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Prof. Jawaari ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud in Baarlamaanka uu hor imaan doono 2-da bisha May, si uu su’aalo uga jawaabo oo ku saabsan Heshiiskii horu dhaca ahaa ee ay wada gaareen Somaliland.

Xildhibaano uu ka mid yahay Dr. Cali Khaliif Galeyr ayaa dhaliilay heshiiska Soomaaliya iyo Somaliland, isagoo ku sifeeyay qaabka wada hadalada u dhaceen mid Somaliland aqoonsi lagu siiyay.