Gabay la yidhaahdo …ASHQARAAR:-

ASHQARAAR:-
xasandaaci
1. Subax wali Ileyskeed 2. Maalin wali Amuurteed 3. Qof walbaa ayaankii 4. Madal wali Odhaahdeed 5. Eray wali Makaankii 6. Arla waliba Muuqeed 7. Dhul walbaa abbaartii 8. Mid masaajid laga unug … 9. Mid kiniisad lagu arag 10. Dhulna ila burqanayiyo 11. Durdur lagu Af-meer gabi 12. Midna Omos kuleyliyo 13. Wuxu yahey Abaar ba’an .
14. habluu kala Ammaan mudan 15. Oo kala Akhlaaq Wayn 16. Kala wacan Anfaca guud 17. Midbaa Oogta waabari 18. Intay kaa Agtoostay 19. Ku tidhaa Salaad Oog
20. Midna waa ibliisiyo 21. Shaydaan agtaadiyo 22. Aqalkaaga soo galey 23. Guudkana Qof uga eeg
24. Aniguna Ujeedada 25. Arrinkaan ka leeyahey 26. Aan kuu Iftiiinshee 27. Waxa igu Ajburayoo 28. Ashaqaraarka igu ridey 29. Aan kuu Asteeyee 30. Maqal arag Afkana ood .
31. Ugub dumar ayaan helay 32. Amalkii haweenkiyo 33. Waxan helay Ayaan badan 34. Aragtida aqoontiyo 35. Aqligiyo garaadkiyo 36. Edebtiyo Asluubtiyo 37. Anshixiyo xishoodkiyo 38. Afka gaaban hadalkiyo 39. Indheer-garashadeediyo 40. Iltizaamka diintiyo 41. Ixtiraamka Weedhiyo 42. Arxankiyo xubbiga badan 43. Abidkeed ka guureyn 44. ALLAHEENNA ugu darey 45. Ehel qaaaliyoo wacan
CURIYE: XASAN ABIIB FAARAX (AB. XASANDAACI) TAARIIKHDA: 27/10/2012