gabaygan oo lamagac baxay GABADH YAHAY HA MOOGAAN waa gabay dardaran dumar ah qaybaha dumarkana wax ka taatabanaaya hadaba maansadii watan ee ka bogosho wacan :-

gabaygan oo lamagac baxay GABADH YAHAY HA MOOGAAN waa gabay dardaran dumar ah qaybaha dumarkana wax ka taatabanaaya hadaba maansadii watan ee ka bogosho wacan :-
552074_406905542708656_2043384191_n
1. Galad eebe weeyoo 2. Geeraarka maansadu 3. Waa sahay gu waynoo 4. Ninba geestu doonuu 5. Ka daraa galaankee 6. Gobaadeey araartani 7. Waa dawgii gacalnimo 8. Waa dardaaran guuniyo … 9. Gobi waxay ku faraxdoo 10. Guni ay ka dhiidhido 11. Waa waano gaaxiyo 12. Haasaawe guudmara 13. Wuxuu guule farayiyo 14. Geesiyaw rasuulkeen 15. Baan soo gadiya yaa 16. Adna in aad gudoon too 17. Garawshiinyo keentaan 18. Gacaloooy sugaynaa 19. Gobolada jidhkeeniyo 20. Waalid waa gadhkeene 21. Inkastuu ku gaasiro 22. Ama uu gefkaa galo 23. Ama kuu go leeyahay 24. Uu gurayo raadkaa 25. Gardarana u dheertahay 26. Waxa kula gudboonoo 27. Guule ina faraayaa 28. Xumo inaad ka gelinoo 29. Gacan saydhka godobeed 30. Garnaqsiga abbaarliyo 31. Weedhaha la kala gurin 32. Isagoo gargaariyo  33. Gacantaada midig oo 34. Ubadkaaga guudkiyo 35. Gaadadiisa saaroo 36. Golongolayna awgaa 37. Gubaad sheekadeed daa 38. Qofba wuxuu haruu galay 39. Ayaa beri gubaayoo 40. Gondihiisa yaallee 41. Waa gabay abwaanoo 42. Daan jiriidka gawskiyo 43. Kasoo go,ay gobaadeey 44. Feedhaha guntoodo 45. Godol hoose keenoo 46. Gud guduudka waabari 47. Lay garab salaaxoo 48. Gabagabada ramadaan 49. Ka soo baxay godkiiso o 50. Guhaantii ilaahay  51. Ina ay ku godantahay 52. Bay garashaday tee 53. Si aan ubadku kuu gabin 54. Bari galab ku caasiyin 55. Maanta waalidkaa garo 56. Gada kale waxay tahay 57. Inta guudka fidhatiyo 58. Idil gabadh haweeneed 59. Goorta la gaatee 60. Guurkeedu uu dhaco 61. Seddex bay mid uun gali 62. Lagu garan he doonaa 63. Inay tahay mid gaaroo 64. Xaajiguun gargaartoo 65. Gasiinka iyo subagiyo 66. Xeedh yaha gingiman iyo 67. Ilamaa gun iyo baar 68. Baahidii gufaysoo 69. Gacal iyo xigaal iyo 70. Misna aan cidkale garan 71. Inay tahay mid gacal kiyo 72. Xigaalka u gargaartoo 73. Guud ahaanba reerkuu 74. Galo xaajigeedani 75. Walaw gaban yar uu yahay 76. Gacantiisa midig oo 77. Tolku uu garaad dheer 78. Iyo geenyo khayray 79. Warkiisii ku gaw yidhi  80. Misna gacaleheedii 81. Ixtiraam u gelin oo 82. Ama gocosho reen iyo 83. Galayuuska badisoo 84. Garyaqaan hadduu yahay 85. Ama geedka tegi jiray 86. Gudhay aragtidiisii 87. Inay tahay mid gobohoo 88. Kala gaynin saygiyo 89. Gacalkiyo dadkiisoo 90. Xiiso hoodu kala go,in 91. Gola ay la joogtiyo 92. Maandhe gacaleheedaba 93. Waxaan kuu gudbinayaa 94. Waa geedi socodoo 95. Dadku guure weeyee 96. Haddii caawa aan go,o 97. Kala geyntu waa lure 98. Gacalooy iska ogow 99. Gadaal taan ka sheegiyo 100. Taa gobta ah isku ogow 101. Farxadduna gu weeyo 102. Waa geedo baxay oo 103. Midabkaa giriinka ah 104. Guulle uu ku ladhay iyo 105. Ramad geel intuu dhalay  106. Gaawuhu u culanyee 107. Abidkaa ha geesmarin 108. Ha gaagixinin waanada 109. Hadduu ruux guhaad iyo 110. Tabanaayo gaydhoo 111. Cadha uun la gaamuro 112. Dadku uma galaanoo 113. Waa laga gubtaa abid 114. Meel hadduu gudbaayee 115. Guruubkaa iska ogow 116. Geesta kale dhakhaatiir 117. Cilmi gaadhay baa yidhi 118. Goortaad qosol garaacdee 119. Daacad ula gariirtaba 120. Dheecaan gudbaayaa 121. Ilamaa gun iyo baar 122. Jidhka gaasa bixiyoo 123. Dabadeed gilgilashiyo 124. Caafimaad la gooshaa 125. Haddii aad gafuurkiyo 126. Ganafkaaga dadabtoo 127. Cadho godolka taagtana 128. Gadaalbuu u celiyaa 129. Falaadhaha gudbaayoo 130. Dabdeed gabaw iyo 131. Fahankoo gabaabsiya 132. Indhaa nuurka guuriyo 133. Cudurada gantaalo ah 134. Ayuu kugu ganaayaa 135. Gaarinimadu waa sad e 136. Inkastoo gabdhahayaga 137. Gayigeena soomaal 138. Ay gaari wada yiin 139. Calamkuna garwaaqsaday  140. Misna faras guclayntiyo 141. Garmaamada  ha badiyaa 142. Jeedalkiisa gaarka ah 143. Hoosta looga geliyaa 144. Geenyooy walaaleey 145. Gaarinimadu yay lumin 146. Markaad guriga joogtee 147. Hawlahaaga aad geli 148. Dirays gaara xidho oo 149. Shaqaduun u gooniya 150. Markay fiidka gaadhiyo 151. Goortuu xaajigaagii 152. Gacalooy yimaadana 153. Dharka kii giraydh sare 154. Iyo geenyo muuqwacan 155. Kaa dhigaya soo xidho 156. Nalka kii guduudlee 157. Dhaayaha ganaaxayn 158. Baa la soo gataayoo 159. La sudhaa gidaarkee 160. Gabadh yahay ha moogaan 161. Midhaa guurku waa ubad 162. Guuleheenu bixiyoo 163. Guud ahaanba aadmiga 164. Lagu gooli baadhee 165. Gaban iyo haddii aad 166. Geesh ciyaala leedahay 167. Gacalooy u roonaw 168. Goortay dhaxantu joogtee 169. Gilgilayso waax yaha 170. Hadii aan gobaadeey 171. Funaanado gabboodiyo 172. Maro giigsan loo xidhin 173. Oof wareen in uu galo 174. Ama qaaxo googoyn 175. Waa geedka go,anoo 176. Waa shay garaw lehe 177. Ubadkaa hagaasirin 178. Quudka goortaad siin iyo 179. Cuntadaad usoo guri 180. Nafaqada ku geedee 181. Gabid shilin ha joogtee 182. Adigaan god gelinoo 183. Garaadkaagu taam yahay 184. Maxastaada gaajiyo 185. Goomanidu yay helin 186. Garbaha iyo madaxoo 187. Dhididkii is gaadheen 188. Haw maydhin goortaas 189. Markaad geliso saxankee 190. Gabanada u maydhana 191. Godadkay dabayluhu 192. Kaaga soo gelayaan  193. iska awd gobaadeey 194. ganboolay haweeneey 195. naxariistu waa guul 196. waa godan barwaaqo ah 197. waa doon gantaaloo 198. waxa ay ku geysaa 199. goon yihii firdawsiyo 200. gurigii rasuulkee 201. isgaadhsiiya shicirkoo 202. idil yaan la geesmarin
by :- abwaan mustafe xasan nuur ( khaliiji )