Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Gacan Haadis (2) Qore:Architectural.Eng Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr) (Birmingham, UK)

Gacan Haadis (2)

 

 

 

W/Q: Architectural.Eng Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr) (Birmingham, UK)

 SARREEYE HUFNAAYE Mahadnaq oo dhammi waxay u sugnaatay ALLAHEENA WEYN EE XAQA LAGU CAABUDO (SWT).

 

Waxaan idin odhan lahaa Professor Ahmed Ismail Samatar iyo Professor Abdi Ismail Samatar; “Haybad Waxaad ku Leedihiin Dalkiina Hooyo. Cidna idinkama xigto Somaliland. Waa dalkaad ku dhalateen ee aad u dhalateen.  Aqoontiina iyo magaca weyn ee aad leedihiinna, marka ugu horraysa Somaliland baa xaq iyo xasuusba idiinku leh! Mashruucii Soomaali-Weyna Socon Waa! Ha is Martiyeynina Abtiyaal! Marka aad Jam.Somaliland wax la qabataan, Somali inteeda kalena waxbaad u qabateen.”

 

Taariikhdu markay ahayd 18/02/2010-kii, ayaa waxaan qoray Maqaal Cinwaankiisu ahaa: Gacan Haadis. Waqtigaa waxaa talada dalka Jam. Somaliland hayey Madaweyne Daahir Rayaale Kaahin. Maqaalkaasi waxa uu ahaa mid ku salaysnaa fikirka iyo aragtidayda qof ahaaneed, waxaana uu gebi ahaanba khuseeyey ama uu ka hadlayey laba nin oo walaalo ah, aqoon-yahanno ah, dhalasho ahaanna ka soo jeeda Jam. Somaliland, waa Prof. Ahmed Ismail Samatar iyo Prof. Abdi Ismail Samatar. Maqaalkaa isaga ah waxaa xilligaa igu dheliyey kaddib markii aan daawaday dood uu Telefishanka Caalamiga ah ee Al Jazeera English 14-02-2010 baahiyey, dooddaas oo uu Professor Ahmed Ismail Samatar ka qayb qaatay, isaga iyo laba nin oo kale lagagana hadlayey xaaladda nabad-gelyo ee sii xumaanaysa iyo dagaallada ka socday dalka Somaliya, iyo isagoo weliba si cad u qiray horumarka iyo guulaha muuqda ee ay Somaliland ku tallaabsatay.

|http://english.aljazeera.net/programmes/insidestory/2010/02/201021513640589730.htm|

 

Gacan Haadis (2): waa maqaal kale oo aan wax badan ka duwanayn kii ka horreeyey. Maqaalkan laftiisa waxaan go’aansaday inaan qoro kaddib markii aan dhegaystay waraysiyo dhawr ah oo uu Prof. Ahmed Ismail Samatar  siiyey warbaahinta ku hadasha Af-ka Soomaaliga, kagana hadlayey aragtidiisa iyo fikirkiisa siyaasadeed ee ku wajahan arrimaha Soomaaliya iyo Somaliland. Waraysiyadii ugu dambeeyey ee uu siiyey Shabakadda Wararka ee Hadhwanaagnews, VOA, Somali Media, Universal TV, iwm ayaa iyagu ahaa kuwo aad u xiise badan, dhinacyo badanna taabanayey isla markaana iftiimiyey isbedel weyn oo ka muuqda mawqifka iyo fikirka siyaasadeed ee Prof. Ahmed Ismail Samatar.

Haddaba, innagoo si weyn uga dheregsan isbeddallada waaweyn ee dhinac walba leh ee ka hirgalay Jam.Somaliland iyo isbeddallada iyo xaaladaha wejiyada badan leh ee ka jira dalka Soomaaliya, maqaalkan waxaynu ku falan-qayn doonaa oo aynu isweydiin doonnaa: Maxaa iska bedelay ILMA ISMACIIL SAMATAR? Isbedelladan sannadihii ugu dambeeyey ka dhacay Jam.Somaliland & Soomaaliya, saamayn intee le’eg ayey ku yeesheen xagga fikirka iyo mawqifka siyaasiga ah ee labadan Aqoon-yahan ee ILMA ISMACIIL SAMATAR ay ka aaminsanaayeen jiritaanka Jam.Somaliland iyo helitaanka Somaaliweyn?

 

1.  Aqoon-yahannada ILMA Ismaaciil Samatar:

Waa kuwama aqoon-yahannada ILMA Ismaaciil Samatar?

Professor Ahmed Ismail Samatar iyo Professor Abdi Ismail Samatar  waa laba aqoon-yahan oo walaalo ah, waxayna ka mid yihiin aqoon-yahannada sida weyn looga yaqaanno loogana qadariyo guud ahaanba bulshada afka-Soomaaliga ku hadasha iyo weliba bulsho weynta caalamka ee arrimaha Soomaalida daneeya. Waxa ay ku dhasheen una dhasheen Jam.Somaliland, siiba magaalada Gabiley ee Gobolka Gabiley. Waxay ka soo jeedaan qoys si weyn loogu qadariyo looguna tixgeliyo aqoonta iyo hoggaan dhaqameedka bulshda, gaar ahaan gobollada Galbeedka Somaliland. Waa bare-yaal sare (Professors) oo muddo badan qoraal-cilmiyeedyo badan ka qorayey arrimaha Soomaalida. Waa Aqoon-yahanno caalami ah, waana bar-tilmaameedyada faro-ku-tiriska ah ee wax laga soo dheegto ama la tix-raaco marka ay dunidu ka hadlayso ama falan-qaynayso arrimaha Soomaalida (xagga siyaasadda, dhaqaalaha, dhaqanka).

 

Labadan Professor ee walaalaha ah Prof. Ahmed Ismail Samatar iyo Prof. Abdi Ismail Samatar, waxaa lagu tiriyaa inay yihiin aqoonyahannada iyagu sida xad-dhaafka ah u aaminsan fikirka Soomaali Weyn iyo in aanay Soomaaliya kala go’i karin, sidaa darteedna fikir ahaan ka soo horjeeda in Jam.Somaliland ay ka go’do dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya.  Arrintani waxay dhalisay colaad ay bulsho weynta Somaliland iyo dawladda Somaliland-ba u qaadaan labadan aqoon-yahan ee iyaga ka dhashay, loona arko rag ka soo horjeeda gooni- isu-taagga iyo madax bannaanida dalka iyo dadka Jam. Somaliland.

 

2.  Aqoon-yahankow, horta ayaa xaq u leh waxtarkaaga??

Sida ay aniga ila tahay, caqliga ayaa ka soo horreeyey cilmiga iyo aqoonta aadamuhu barto. Aqoontu (maadiga ah) waxay kobcisaa oo ay kor u qaaddaa garaadka, aragtida, dabciga, qaabka fikirka iyo qaab nololeedka qofka aqoon-yahanka ah. Aqoonyahanku waa kii fahma wadiiqooyinka iyo wadiiqooyinka loo maro bulshada uu ka dhashay, isaga oo aqoontiisa maadiga ah ee uu inta badan ku hawlanaa ku salaynaya qaab nololeedka bulshadiisa, dhaqanka iyo diinta bulshada uu ka soo jeedo.

 

Aqoon-yahanku wuxuu guulaystaa marka dedaalka iyo taageerada aqooneed ee uu ummaddiisa ugu tabarucayo ay hirgalaan ee bulshadiisu ku dhaqanto kana faa’iidaysato talooyinka uu bixiyo. Waxase nasiib-darro ah marka aqoon-yahanka iyo bulshadiisu ay isla-jaan-qaadi kari waayaan ee talooyinkiisa, hadal iyo hoga-tusaaleba cidiba dheg jalaq u siin weydo! Waa aqoon-yahanka ka looga baahan yahay inuu fahmo habka iyo hilinka ugu habboon ee uu bulshadiisa talooyinkiisa ugu gudbin karo.

 

Inkasta oo ay wacan tahay in aqoontu ay aqoon-yahanka ka gudbiso xayn-daabka iyo xuduudaha qoys, qabiil, tuulo, degmo, gobol, qaran iyo kuwa qaaradeedba; haddana waxa lagama maar-maan ah in aqoon-yahanku uu noqdo waaqici iyo mid xaqiiqada u dhaw. Aqoon-yahanku waa inuu garto bulshadiisa cidda muhimadda iyo mudnaanta koowaadba ku leh. Meesha ama barta  uu aqoon-yahanku u dhashay ee ay xudduntiisu taallo ayaa ugu horraanba ka mudan inuu muruq, maal iyo maskaxba u huro oo aanu hagar ka gelin.

Aqoon-yahanka dadkiisa hagrada, waxa hubaal ah in maalin maalmaha ka mid ah ay isagana cidi hagran doonto!

 

Haddii aan tusaale soo qaato; Prof. Ahmed Ismail Samatar iyo Prof. Abdi Ismail Samatar waxay ku dhasheen oo ay u dhasheen Jam.Somaliland, gaar ahaan magaalada Gabiley. Gabiley, Boorama, Hargeisa, Burco, Laascaanood… ayaa aqoontooda iyo taladoodaba inay u huraan mudnaanta kowaad leh oo xaq ugu leh. Taasi macnaheedu maaha yaan Xamar waxba la tarin! Aqoon-yahanka meeshii uu u dhashay wax taraa, meel kalena waxtar buu ka geysan karaa. Maaha in aqoon-yahanku ku daalo meel aan aqoontiisa lagu qadarinayn, ama cid aan talooyinkiisa ka qaadanayn!

 

3.  Safarkii Rejada Xamar ee ku dambeeyey Rejo La’aanta!

Muddo ka badan 30 sano ayey Professor Ahmed I.Samatar iyo walaalkii Prof. Abdi Ismail Samatar, ku mashquulsanaayeen oo ay si weyn isugu hawleen inay qoraallo-cilmiyeysan ka diyaariyaan dalka Soomaaliya; siiba xagga arrimaha siyaasadda, dhaqaalaha iyo dhaqanka bulshadaba. Waxay noqdeen Aqoon-yahanno la tix-raaco iyo bar-tilmaameed wax laga soo dheegto marka ay Soomaalida iyo dunida kaleba arrimaha Soomaalida falan-qaynayaan.Haddaba akhriste, Rag ay aqoontoodu heer caalami taagantahay oo ah bareyaal sare (Professors) asal ahaanna ka soo jeeda ummadda Soomaalida, muddo intaa le’egna u kuur-galayey oo u dhuun-daloolay arrimaha bulshadooda, ma kula tahay aqoon la’aan ayaa ka haysa xagga qaab-nololeedka, qaabka-fikirka siyaasiga iyo hab-dhaqanka bulshada Soomaalida ah??  

 

Professor Ahmed I.Samatar iyo walaalkii Prof. Abdi Ismail Samatar, si wada-jir ah iyo si gooni-gooni ahba, waxay halgan adag iyo xusulduubba ugu jireen sidii ay Soomaaliya siyaasad ahaan uga dhex muuqan lahaayeen, xaaladda Soomaaliyana ay af iyo addinba indhaha caalamka ugu baraarujin lahaayeen. Qawl iyo ficilba waxay ka midaysnayeen aaminsanaanta fikirka ah Soomaali-weyn iyo inaanay Soomaaliyi kala go’i karin, sidaa darteedna qadiyadda gooni-isu-taagga Jam. Somaliland ay tahay mid qaldan. Si ay uga midho dhaliyaan hankooda siyaasadeed, labada Professor waxay sameeyen Xisbi la yidhaa Hiil Qaran (Professor Ahmed I.Samatar, guddoomiye), waxay loollan iyo xusul- duubba u galeen sidii ay u qaban lahaayeen hoggaanka ugu sarreeya talada dalka Soomaaliya.

 

Labada Professoor, haba kala orod iyo guclo badnaadaane, waxa suurto-gashay in midkood uu noqdo “han(damac)-la-duul” oo u boqoolo xaggaa iyo dalkii kaalinta 1-aad ka galay dalalka dunida kuwooda guul-darraystay (Somalia). Prof. Ahmed I.Samatar ayaa caga jiid iyo calool adaygay waa Ilaahay wehelkii ugu dhoofay magaaladii dunida ugu nabad-gelyada xumayd (Muqdisho). Prof. Ahmed I.Samatar markii uu Xamar soo caga-dhigtay waxaa ka soo hadhay anfariir iyo amakaag! Kaaf iyo kala-dheeri!! Dadku maaha dadkii, dalkuna maaha dalkii!! Waa ereyada Profesoorka sida joogtada ah maskaxdiisa ugu soo noq-noqonayey! 

 

4.  Profesoore, Adiga Reer Waqooyiyaa Tahay!!

Profesoorku waxa uu dirqi iyo tu-xun ku cidhiidhsaday  inuu noqdo xubin ka tirsan golaha parlemaanka Soomaaliya, taasi oo aanu ku helin aqoontiisa iyo garasho ay Soomaaliyi ku maamuustay oo loo garataye, balse ay dantu ku khasabtay inuu qaab reernimo ku helay kursiga. Prof. Ahmed I. Samatar waxa uu u holladay inuu hankiisa siyaasadeed shirrabo oo waxa uu hunguri ka galay inuu u tartamo hoggaanka ugu sarreeya talada dalka Soomaaliya ee Madaxweyne-nimada. Gor-gortan iyo kulamo goo-goos ah kaddib, Profesoorku waxa uu wada hadal fool-ka-fool-ah la yeeshay Madaxweynihii hore Sheikh Shariif Sheekh Ahmed, kaasoo Profesoorka u caddeeyey in ay adagtahay inuu noqdo Madaxweynaha Soomaaliya. Waxana uu intaasi u raacayey oo uu ku yidhi: “Profesoore; Soomaaliyi abaal weyn ayay u hayso Qabiilka Dirka, ay samirkoodana halkaasi ku soo gaadhay. Waxa kaa codsanaa inaad hadda aniga i taageerto, adigana anigaa wax kuu baar-baaraa!!!!”. Markay arrini halkaa marayso; Profesoorka waxa dhegihiisa ka batay hadallo aanu meeshaba ka filayn in lagu odhan doono sida:

Madaxweyne miyaa rabtaa inaad naqatid??

Maya maya Ka joog adiga maahee!

Professore idinka reer waqooyi waaba maqantihiine!

Intee idinka joogtaan aad Madaxweyne noqotide!

Professore idinka DIR ayaa tihiin,

La idiinma ogola oo ma noqon kartaan Madaxweynaha Soomaaliya!

Professore waa soo lug go’day, aadaa uga xumahay! The rest is History.

 

5.  Gebo-gebo, Gunaanad iyo Gacan-Haadis:

Waxa muuqata in Profesoor Ahmed I.Samatar uu quus, faro madhan iyo rajo la’aan ka joogo in dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya uu mar kale sidiisii hore ku soo noqdo. Waxa dhici karta in Professor Axmed Ismail uu haatan garawsaday xaqiiqada dhabta ah iyo waaqiciga aan la dafiri karin ee isaga maanta horyaalla. Dabadeedna waxa uga soo baxay sawir maqal iyo muuqaalba leh si cadna runta uga tarjumaya: horumarka bulsho iyo bisaylka ummadnimo ee Jam.Somaliland Somaliland yaalla iyo xaaladda ka sii daraysa iyo rajo la’aanta Soomaaliya ku habsatay (Rabbi iyagana Talada ha waafajiyee). Waxa dabadeed Professoorka dhegihiisa ku soo dhacay dhawaaq dheer oo farriin adag sida oo leh: “Laba la Isku Dherersho oo Isku Dhiganta Maaha! Kala daaya!  Islama jaan qaadi karaan! Hana ku daalina Soomaali Weyn iyo midnimo Soomaaliyeed.”  

 

Waxa loo baahanyahay waa gacan haadis iyo wada hadal si ay u timaaddo is garwaaqsi iyo in la iska qanciyo xaqiiqada dhabta ah ee Somaliland ka jirta iyo in fikirkii ahaa SomaliWeyn uu haatan yahay mid aan shaqaynayn. Waxana ila habboon in fikirka iyo aragtida shaqsiga ah ee ay labadan aqoon-yahan aaminsan yihiin aan colaad iyo xumaan midnaba loogu qaadin.

 

Wax garadka, aqoon yahannada iyo xukuumadda Somalilandba waxaan kula talin lahaa in Professoorada ilma Ismail Samatar loo gacan haadiyo, lala doodo oo laga qanciyo haddii ay wax tabanayaan. Waxaan aaminsaanahay inay inna hagto aragtida odhanaysa: “Ha fogeynin aqoon yahankaaga iyo wax garadkaaga. Intii ay cid kale ka faa’iideysan lahayd ama ay wadan lahayd, adigu soo dhawee oo ka faa’iideyso. Fikirkiisana ugu dulqaado, xataa haddii uu qaldan yahay. La arkee inaad taada ku soo riddo”. Sida ugu wacan ee fikirka qofka  lagu waajihi karaa waa fikir iyo aragti tiisa ka soo horjeedda, iyada oo aan colaad iyo calool xumo midnaba loo baahnayn in loo muujiyo.”

 

Bulshada Somaliland aad bay u jecel yihiin in walaalahooda Soomaaliya ay wax u hagaagaan. Waxyaabaha dhacay 22-kii sano ee la soo dhaafay, denbiyada iyo jariimadaha la galay, xataa haddii ay Soomaaliya xasisho oo ay talada haleelaan, waxa xaqiiqo ah in aanay meeli idiinka bannaanayn meeshaa. Waxa idin hurran waa Somaliland.

 

Professor Ahmed Ismail Samatar iyo Professor Abdi Ismail Samatar; Waxaan idin odhan lahaa: “Haybad Waxaad ku Leedahay Dalkaaga Hooyo. Cidna idinkama xigto Somaliland. Waa dalkaad ku dhalateen ee aad u dhalateen.  Aqoontiina iyo magaca weyn ee aad leedihiinna, marka ugu horraysa Somaliland baa xaq iyo xasuusba idiinku leh! Mashruucii Soomaali-Weyna Socon Waa! Ha is Martiyeynina Abtiyaal! Marka aad Jam.Somaliland wax la qabataan, Somali inteeda kalena waxbaad u qabateen.”

 

Ugu dambayntii, magaaladii aad u dhalateen ee Gabiley oo aan rumaysanahay inayna marnaba xasuustiinna iyo xiskiinna ka guurin, waxtarkiinna way idinka sugaysaa, siiba jaamacadda Timacadde University ee Gabiley laga asaasay.

Architectural.Eng Hussein Adan Igeh (Hussein Deyr) (UK)

Wa Billaahi Tawfiiq, Guul, Horumar iyo Aqoonsi Jamhuuriyadda Somaliland

 




Leave a Reply