GARANWAA WAA KUMA?

GARANWAA WAA KUMA?

 

Geedka Garanwaaga la yidhaa ayaa sanadahan dambe si xad dhaafa ugu fidaayey deegaano badan oo dalka ah, hantiyeyna dhul daaqsimeed iyo dhul beereed manaafacaad lahaa.

Markii aan arkay dad badan oo suaalaya geedkani meesha uu ka yimi iyo waxa uu yahay waxyaabo badan oo run iyo been ahna ka sheegaya ayaan jecleystay inaan  waxa ka taataabto aqoontiisa.

Dabcan marka khayraadka dhulka loo isticmaalo si xaddhaafa ah oo la xaalufiyo ama laga cidhibtiro geedihii manfaca badnaa, yaalaa waxa bedela geed xun aan cadaw lahayn oo halkoodii buuxiya. Beryahan dambe waxa soo batay geedo qalaad oon hore

loo aqoon oo qabsaday dhul badan. Geedahan oo ay ka mid yihiin Garan-waaga iyo Kelidii-Nooluhu waxay khatar ku hayaan deegaanadii dabiiciga ahaa ee dad iyo duuno iyo xayawaankii kaleba ku tiirsanaayeen. Labadan geed iyo kuwo kaleba waa aafo saameysay aduunka meelo badan oo wax soo saar laha beereed, dhaqasho xoolaad, keymeed iyo kallumesiba. Garanwaaga oo ah geed abaareed ayaa ka baxa nooc kasta oo

ciida si xaddhaafana dhulka ugu fida.

 

 

 

 

Xaguu ka yimi garanwaagu?

 

Garanwaa ama mesquite ama Prosopis juliflora waa geed ka soo jeeda dabiici ahaan koonfuta Qaarada Ameerika iyo gasiiradaha kariibiyanka.

Geedkan oo si dhakhso ah u fida oo qabsada dhul cusub ayaa ku fiday meelo badan oo dunida ah siiba dhulka uu roobku ku yaryahay Sida Aasiya, Ostreeliya, Afrika iyo koonfurta Qaarada Ameerica.

Garanwaagu inaga iyo Afrikada bariba wuxuu soo gaadhay 70dii iyo 80dii oo ay keeneen haya’da caalami ihi. In kasta oo goobaha qaarkood oy ka midtahay BULAXAAR  geedkan la keenay 60meeyadii. Geedkani ayaa waxa loo keenay inuu waxka taro baahiya badan oo ay ka mid yihiin nabaad guurka, xakameynta carra guurka, daboolista baahida shidaalka qoriga (dhuxusha iyo xaabada) iyo quudinta xoolaha.

 

Dabeecadaha Garanwaaga:

Garanwaagu waa geed meel dhexaad ah oo baxa joog le’eg ilaa 12 mitir. Waxa uu yeesha jirrido badan oo ma yeesho hal jirrid oo dhumuc leh.

Waa geed xiddado dheer oo meel hoosene biyaha ka doonta. Geedkan oo dhaqso u baxa ayaa meesha ka saarey cawskii iyo geed gaabkii kaleba sameeyeyna keyn isga oo sooc ah oon la mari karin.

Waxaa uu ka soo jeeda Qoys loo yaqaan Fabacae afka laatiinka oo ka mid ah geedaha nitrijiinta hawada ka daba kuna negeeya ciida.

Garanwaageena oo magaca loo yaqaana yahay Prosopis juliflora (scientific name) ayaa la  walaala ila 265 nooc oo kale.

Geedkani waxa uu qabsada biyo mareenada, beeraha, dhulka biyo fadhiisiga leh, wadooyinka hareeraheeda, dhulka tuulooyinka ah iyo

magaalooyinkaba.

Garanwaaga waxa fidiya biyaha socda oo meelo dheer geeya iniintiisa iyo markay xooluhu cunaan geydhihiisa ayey iniintiisu saalada raacdaa oo uu ku fidaa inta foof ay ka gaadhaan ama markay hayaamaanbey meel durgsan geeyaan.

Geedkan waxa lagu yaqaan tartan xad dhaaf ah oo sababa inuu meesha ka saaro geed weyn iyo geed gaadkaba oo waakan Gobkii , Qudhacii, dhikrigii, daristii, baldhoolihii, iyo geedihii noocyada badnaa ee dooxyada Somaliland daafaheeda ka bixijiray dabargooyey.

 

Faaiidooyinkiisa qaar ka mida:

  1. Geedku waxa uu celiyaa bacaadka iyo carro guurka.
  2. Waxa uu leeyahay qori la shito (xaabo, Dhuxul)
  3.  Xooluhu wey cunaan geydhihiisa marka uu bislaado oo jilaal bax buu noqdaa.
  4. Wuxuu noqdaa deyr dabeysha celiya.
  5. Geedkani waxuu bixiyaa man (ubax) joogta ah oo looga fa’ideysto dhaqashada shini malabka sameysa.
  6. Waxa uu hagooga dhulka qaawan ee nabaad guuray.
  7. Haddii la toostoosiy waxa uu noqdaa geed hadh u leh dad iyo xoolaba.

 

 

 

Muudarooyinkiisa qaar ka mida:

1. Waa geed dhakhso ugu fida dhulka, meeshana ka saara geedihii manfac laha ee       dadiiciga aha.

2.  malaha jirrid weyn oo laga digto qori dismeed ama dhuxul laga shito.

3.  Manfac uma laha xoolaha iyo xayawaanka kale oo ma cunaan caleentiisa quruxda   badan. Inkasta oo geydhahiisa cunaan hadana waxa la ogyahay inuu caloosha        skaga maro, riyahana suus ilkaha kaga reebo.

4.  Waxuu yareeyaa dhul daaqsimeedka oo uu u diidaa doog iyo caleenba.

5.  Wuxuu qabsada dhul beereeka oo uu kharash iyo hawl ku kordhiyaa sidii loo          harameyn lahaa.

6.  Waxa uu tirtira nolosha nooc nooca ah (biodiversity) isaga oo meesha ka saara         geedihii kala jaad jaadka ahaa iyo xaywaankii ku tiirsanaaba.

 

Gabagabadii geedkani dadka xoolo dhaqatada iyo beeraleyduba waxay qabaan in waxyeeladiisu ka farabadantahay waxtarkiisa oo uu yahay aafo sameysay dhulkooda. Dawlado badab ayaa ku bixiyey lacag malaayiin ah dabargoyntiisa oon weli ku guuleysan.

Garanwaagu hadii uu meel qabsado wey adagtahay in laga cidhibtiro ee waxa haboon in lala noolaado oo la badiyo ka faaiideysigiisa lana hirgeliyo kobcinta ,dhaqaaleynta iyo badbaadinta keynta dabiiciga ah. Waxa loo baahanyahay in dadka xoolo

dhaqatada iyo beeraleyda la wacyigeliyo sidii ay uga faaiideysan lahaayeen una xakameyn lahaayeen fidistiisa. Tan kale waa in aad leysugu taxalujiyaa badbaadinta geedaha dabiiciga ah si ay uga soo kabtaan dabargoytan lagu hayo.

 

Qore: Rashid A. Ahmed

TorontoCanada

 

Comments and feedback welcome

 

Rashid.abdi@hotmailcom

 

Â