Golaha Deegaanka Hargeisa Oo Doortay Maayor Cusub

war-deg-deg-ah-160x87

Hargeisa (SM) April 14, 2013- Golaha Deegaanka Caasimada Somaliland ee Hargeisa oo saaka doortay Maayor Cusub Kadib Markii Duqii hore ee Caasimada Ilaahay ha u naxariistee Eng. Yusuf Warsame Saciid ku geeriyooday dalka Imaaraadka Carabta. Golaha ayaa daqiiqado ka hore u doortay maayor ka cusub ee Caasimada Hargeisa Abdirahman SOLTELCO  oo  ahaa murashaxa kaligii u taagnaa jagada Mayornimada. Waxa madasha ka xaadaaray 24 xildhibaan oo intuba si aqlabiyad leh ugu codeeyay Mayorka Cusub. Madasha waxa ku sugnaa Wasiirka Arimaha gudaha oo hambalyeey doorashada mayorka cusub iyo Maayor ku xigeenka caasimada oo isna hadal koobaan madasha ka jeediyay.

Waxa Maayorka cusubi waxa uu kasoo baxay Xisbiga talada haya ee KULMIYE.

Salaanmedia/Hargaysa