Gud. UCID Eng Faisal Ali Waraabe Oo Si Balaadhan Loogu soo Dhaweeyey Magaalada Jigjiga ( DAAWO SAWIRADA ). Written by: Ib: 25/04/

Gudoomiyaha xisbiga cadaalada iyo daryeelka ee UCID Eng Faisal ali waraabe ayaa si balaadhan loogu soo dhaweeyey magaalo madaxda kilinka shanaad ee Ethiopia jigjiga ka dib markii uu safar kaga yimi magaalada diri dhawa , Gudoomiyaha waxaa uu kulan la yeeshey masuuliyiinta kililka somalida , madaxdhaqameed , waxgarad iyo ganacsato.

Eng Faisal ali waraabe waxaa uu kulan gaar ah la yeeshey madaxweynaha deegaanka somalida Mudane Abdi Maxamud Cumar iyagoo labada masuul ka wada hadleen sidii looga wada shaqeyn lahaa adkeynta nabadgelyada iyo sidii loo sii dardar galin lahaa nabadeynta beelaha wada dega deegaanka somalida, sidoo kale waxey labada masuul isla soo qaadeen sidii loo horumarin lahaa wada shaqeyn dhinacyo badan leh oo ka dhaxeeya somaliland iyo ethiopia  oo wadaaga xuduud aad u dheer, geesta kale gud. UCID Eng faisal ali waraabe oo uu wahelinayo wasiirka tacliinta sarre ee deegaanka somalida ethiopia ayaa booqdey ardeyda reer somaliland ee deeqda waxbarasho ka heshey una joogta jaamacada jigjiga halkaas oo ardeydii ku sugneyd si heersare ah ugu soo dhaweeyeen gudoome faisal isagoo halkaas ardeyda kulan kula qaatey kana dhageystey warbixin ka hadleysa xaalada waxbarasho ee ardeyda reer somaliland , isagoo eng faisal ali waraabe ugu danbeystii ardeyda u soo jeediyey khudbad dheer oo isagu jirtey dardaaran iyo dheerigalin, gabogabadii kulankaasi wuxuu ku soo gabogaboobow jawi farxadeed .

 

 Fouad Abdisalam