Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Oo Kulan La Yeeshay Dhigiisa Finland

April 6th, 2013 Comments Off

Helisinki (Salaanmedia): Guddoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro) oo baryahan socdaal ku marayay waddamo ka tirsan qaarada Yurub, ayaa kulan kula yeeshay magaalada Hilisinki ee caasimada wadanka Finland guddoomiyaha baarlamaanka wadankaasi.

Kulankan oo u jeedadiisu ahayd sidii ay uga wada hadali lahaayeen labada guddoomiye arrimo ku saabsan horumarka iyo gooni isu taaga Somaliland, waxaana uu ka qabsoomay hoolka madaxda caalamka ka socota lagu qaabilo ee xarunta baarlamaanka Fiilaand, iyadoo si heer sare ah loogu soo dhaweeyey guddoomiyaha.

C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro waxa uu warbixin dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay kulankaasi isagoo ka hadlay Somaliland inay gaadhay horumar balaadhan oo ku aadan dhanka banadgelyada dimuqraadyada iyo waxyaalaha la midka ah, waxaanu tilmaamay inay Somaliland u baahan tahay taageero caalamiya mid siyaasadeed iyo mid horumarineed si ay uga idho dhaliso dadaalka ay waday mudada 20 ka sano oo ku aadan dhanka gooni isu taaga Somaliland iyo horumarka.

waxaana uu tusaale u soo qatay guddoomiye Cirro in wadanka Fiilaand ay jirtay xiliyo u hoos iman jiray waddamo kale, maanta xor yahay. Sababta halganka Somaliland waddana ay tahay taas oo kale, ayna dareemi karaan waddamada hore u soo maray sida Finland.

Guddoomiyaha baarlamaanka Findland ayaa soo dhaweeyey guddoomiye Cirro waxaana uu sheegay inay wax wanaagsan tahay horumarka ay gaadhay Somaliland baarlamaan ahaan ay diyaar u yihiin wixii ay ka gaysan karaan arrimahaasi Somaliland.

Salaanmedia/Finland