Guddoomiyaha Maxkamada Sare Ee Dalka Oo Sheegay In Aysan wax saameyn Ah ku Yeelandoonin Weerarkii Shalay.

Guddoomiyaha Maxkamada Sare Ee Dalka Oo Sheegay In Aysan wax saameyn Ah ku Yeelandoonin Weerarkii Shalay.

Taariikhda : April 15, 2013

Goddoomiyaha Maxkamada sare ee dalka Soomaaliya garyaqaan Ceediid Cabdullahi Ilka xanaf oo saxaafada Muqdisho kula hadlay ayaa waxa uu sheegay in aysan wax saameeyn ku yeelan doonin weererkii Al-Shabaab ay ka Fuliyeen Maxkamada gobolka Banadir, waxuuna Hay’adaha ammniga ee Dowladda ugu baaqay inay waxa ka qabtaan ammaanka Muqdisho.

Garyaqaan Ceediid Cabdullahi Ilka xanaf ahna Goddoomiyaha Maxkamada sare ee dalka ayaa sidoo kale xusay in ay sii wadi doonaan wax ka badalka Garsoorka iyo Cadaaladda Dalka Soomaaliya.

Hadlka ka soo yeeray Goddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka ayaa waxa uu imaanayaa xilli maalmo ka hor Magaalada Muqdisho uu ka dhacay kulan looga hadlaayay wax ka badalka Garsoorka ee dalka.

Salaanmedia/Moqdisho