“Haddii Aniga Huteel La igaga taggo boorsadayda Ayaan Soo Qaadanayaa” Guddoomiyaha UCID Oo Lagu Daray Weftiga Somaliland Ee Wada-hadalada Somaliya

images

Hargeysa (SM) Apr 6,2013 – Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali WAraabe, ayaa sheegay in Madaxwaynuhu ku daray xubnaha dawladda Somaliland uga qayb-galaya wada-hadalada Somaliland iyo Somaliya ee dhawaan ka furmaya dalka Turkiga.

Eng Faysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay in Madaxwaynuhu habeen hore isugu yeedhay xubnihii wada-hadaladii hore xukuumadda uga qayb-galay, kuwaasi oo uu isagu ka mid ahaa.

Guddoomiyaha UCID oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay Hargeysa ayaa shaki ka muujiyey shirkaasi, isaga oo sheegay inaanu ogolaanayn wax laaqi ku ah sharafta Somaliland.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo arimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi  “Madaxwaynuhu wuxuu noo yeedhay habeen hore, wuxuu yidhi shantiinii hore isku kaalaya arinkaasaa laga tashanayaaye, anigu markaan arinkaasi maqlay waxaan la tashaday dad Mucaarad ah, waxaanan meesha ala tagay toddoba qodob, toddobadii qodobna way hayaan oo meel looga leexan karaa ma jirto”

Faysal Cali Waraabe, waxa uu sheegay in Turkigu aanu wax saamayn ah ku yeelan Karin waxa ay ka wada hadlayaan labada dhinac  “Turkigu gogosha ayuu inoo dhigayaa, laakiin dadka wada hadlayaa waa inaga iyo Somaliya, anagu UCIDna wixii meesha ka dhaca waanu idiin soo sheegi doonaa, wixii Somaliland sharafteeda laaqi ku ahna meel aan anigu joogo laga ogolaan maayo” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Dadbaa igu yidhi huteeladaa lagaga tagi, haddii aniga huteel la igaga taggo boorsadayda ayaan soo qaadanayaa”

Salaanmedia/Hargaysa