Jimciyad Midaynaysa Madarasadaha Quraanka Kariimka Ah Oo Lagaga Dhawaaqay Boorame

Jimciyad Midaynaysa Madarasadaha Quraanka Kariimka Ah Oo Lagaga Dhawaaqay Boorame

April 18th, 2013 Comments Off

Boorame(SM)-Kulankan lagu shaacinayay jimciyad ama dalad midaynaysa dhamaan madarasadaha iyo malcaamadaha lagu barto quraanka kariimka ah ee Boorama oo loogu magac daray HUDA,ayaa maanta lagu qabtay magaalada Boorame. waxa ka soo qayb galay xafladaasi Isuduwaha wasaarda Awqaafta iyo arimaha diinta ee gobolka Awdal, culimaa’udiin, salaadiinta dhaqanka ganacsato, waxgarad, macalimiinta madarasadaha quraanka kariimka ee Boorama iyo Dadwayne aad u tiro badan.

Ugu horayntii ayaa kulankan waxa ka hadlay Sh. Maxamed Faarax oo ah gudoomiyaha dalada Madarasadaha Quraanka Kariimka ah ee Boorama ee HUDA, waxana uu sheegay in jimciyadan HUDA ay tahay mid ay ku midaysan yihiin dhamaan madarashadaha quraanka iyo diinta lagu barto ee Boorama.

Sh. Maxamed Faarax waxa kale oo uu ka waramay ujeedada keentay Jimciyadan HUDA aasaaskeeda waxana uu yidhi “Jimciyada HUDA waa jimciyad Qur’aani ah oo ka shaqaynaysa sidii quraanka Ilaahay kor loogu qaadi lahaa oo loo cisayn lahaa, waa jimciyad loo aasaasay in arimaha diinta iyo kuwa bulshada lagu barto loogana faaiidaysto sidka quraanka looga dhigi lahaa mid cisigii iyo sharaftii uu eebe siiyay loo siin lahaa, ujeedada keentay in jimciyadan HUDA la sameeyo wayaa waxa ay tahay iyada oo ay muuqatay in la helo xatun dhexe oo midaysa markazyada lagu barto quraanka kariimka ah”

“Waxa loo baahday in macalimiinta la tayeeyo, si ay waxbarashada quraanku u noqoto mid tayo leh iyada oo aan ognahay inay macalimiintu dhankooda ka wadoon dadaalo ay kor ugu qaadayaan barashada quraanka hadana waxa lagama maarmaan noqotay in la mideeyo, waxana aan isku keenay oo aan midaynay 23 Markaz oo waawayn oo barashada quraanka ah iyada oo ay jiraan kuwo badan oo kale, alxamdulilah way noo suurawday inaan midayno, waxana laga maarmaan ah in lagu midoobo diinta ilaahay”

Gudoomiyuhu waxa uu intan ku daray in ay ujeedada ugu muhiimsan ee jimciyadan HUDA ay tahay in kor looqaado mansabka macalinka quraanka dhigaya ee bulshada dhexdeeda, in ardayda la dhiiri galiyo oo ay helaan abaalmarino waawayn oo ku aadan barashada qur’aanka, in cilmiga diinta laga dhigo mid koreeya oo bulshada lagu dhiiri galiyo barashada qur’aanka kariimka ah.

Madashan ayaa waxa kale oo ka hadlay Isuduwaha wasaarada Awqaafta iyo Arimaha Diinta ee Gobolka Awdal Sh. Xaamud Axmed Nadiif, waxana uu sheegay in ay si balaadhan u soo dhawaynayaan furitaanka jimciyada khayriga ah, isaga oo intaasi ku daray in diinta Eebe ay tahay mida ugu mudan in laga shaqeeyo.

Sh. Xasan Daheeye Axmed, Sh. Maxamed Cabdi Xasan Shiine oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa waxa ay boqaadiyeen fikirkan saliimka ah ee lagu aasaasay jimciyada midaynaysa madarasadaha lagu barto quraanka, waxana ay ku dardaarmeen in si balaadhan looga shaqeeyo kor u qaadista karaamada iyo barashada diinta islaamka gaar ahaan quraanka kariimka ah.

Sul. Ibraahim Jaamac Samatar, Sul. Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal, Sul. Maxamed Cabdi iyo Imaax Xaaji Axmed Miisaan Aare oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa hoosta ka xariiqay inay muhiiim tahay in la helo xarun dhexe oo midaysa madarasadaha quraanka kariimka ah lagu barto, waxana ay balan qaadeen inay soo dhawayn doonaan isla markaana la shaqayn doonaan.

Hormuudka Kuliyda Sharciga iyo Shareecada Ee Jaamacada Camuud Dr. Maxamed Cali Nageeye iyo Gudoomiyaha ururka samafalka ee TAWFIIQ oo iyaguna halkaasi ka hadalay ayaa culayska saaray in barashada quraanku ay fure u tahay barashada sharciga iyo ka qaybqaadashada waxyaabha tabarucaadka ah ee Eebe dartii loo bxinayo, waxana ay soo dhaweeyeen furitaanka jimciyada HUDA iyada oo balan qaaday inay la shaqayn doonaan.

Si kastaba ha ahaatee Jimciyada HUDA ee ay ku midoobeen 23ka Markaz e barshada quraanka kariimka ah ayaa noqonaysa xaruntii dhexe ee ugu balaadhnayd uguna horaysay ee ay ku midoobaan bahda barashada quraanka kariimka ah ee Magaalada Boorama.

Salaanmedia/Boorama