Kenya oo sheegtay iney gudaha Somalia kala baxeyso cutub ka mid ah ciidamadeeda ka mid ah AMISOM

kinya

Saraakiisha ciidamada milateriga Kenya ayaa sheegay iney la baxayaan cutub ka mid ah  ciidamada ka jooga Somalia ee qeybta ka ah howlgalka.Midowga Afrika ee loogu magac daray AMISOM.

Afhayeenka milateriga Kenya, Cyrus Oguna oo saxaafada  kula hadlayey magaalada Nairobi ayaa sheegay in cutubkaas  ka tirsan ciidankooda lagu bedelayo cutub ka socda ciidamada dowlada Sierre-leone oo lagu wado in maalmaha  soo socda ay gaaraan magaalada Kismaay “Arintan waxaa dhigayey heshiis is-afgarad ah oo aanu horey ula gaarnay golaha amaanka Midowga Afrika   kaasoo sheegaya in marka Somalia la geeyo ku dhowaad  1,000 askari oo ka socda Sierre-leone, ay Kenya la  baxdo tiro intaas u dhiganta oo ka mid ah ciidankeeda”    ayuu intaa ku daray Afhayeenka milateriga Kenya.


Sierre-leone oo noqoneysa dowladdii 6aad ee ciidamo  ku xoojisa howlgalka AMISOM ayaa waxaa la sheegay   in ciidankeeda ay la howlgeli doonaan ciidamada Kenya  ee jooga magaalada Kismaayo.Cyrus Oguna ayaa dhinaca kale beeniyey eedeeymo loo jeedinayo ciidamada Kenya ee sheegaya iney faraha kula jiraan arrimaha maamul u sameynta Jubooyinka, isagoo xusay in ciidamada Kenya ay halkaas u joogaan ilaalinta amaanka, arrimaha maamul u sameynta Jubooyinkana ay taalo dowlada Somalia iyo dadka degaanka.