Kismaayo oo Maanta laga taagay Calanka Cusub ee Maamulka Jubaland State (Daawo Muuqaalka Calanka Jubbaland)

Kismaayo oo Maanta laga taagay Calanka Cusub ee Maamulka Jubaland State(Daawo Muuqaalka Calanka Jubbaland)

Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose ayaa maanta laga taagay Calan la sheegay in uu astaan u noqon doono Maamul Goboleedka Jubaland State ee dhismihiisa hada uu kasocdo Xarunta Jaamacada ee Magaalada Kismaayo.

Ergayda ka qeyb galeysa Shirka Kismaayo ayaa maalintii shalay waxa ee ansixiyeen Dastuurka uu yeelanayo maamulka Jubaland State iyadoona dadka aadka u taageera Maamulkan la dhisayo taasi ku tilmaameen Guul weyn oo soo hoyatay.

Magaalada Kismaayo ayaana saakay lagu arkayaa oo laga taagan calanka la qorsheenayo in uu noqon Doono astaanta u gaarka ah Maamulka Jubaland kaa oo laga suray goobo badan oo Muhiim ah oo ku yaala Magaalada.

Maalinta berito ah ayaa lagu wadaa in Kismaayo ee ka dhacdo Xaflad lagu soo dhaweenayo ansixinta Dastuurka Jubaland State kaa ee ka qeyb galayaan Masuuliyiin kasocda Maamulka Puntland ,Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo wafuud la filayo in ee IGAD ka yimaadaan.

Dowlada Soomaaliya ayaa gabi ahaan kasoo horjeeda Shirka Kismaayo kasocda waxa eena ku tilmaantay wax walbooo shirkaasi kasoo baxa mid aan Dastuurka waafaqsaneen miro dhalan aan noqoneyn.

Salaanmedia/Kismanyo