Ku simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Mudane C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta dhambaal hambalyo ah u diray Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya Uhuru Kenyatta

 Madaxweyne-Ku-xigeenka-somaliland1

April 9th, 2013 Comments Off

Hargeysa (SM)- Ku simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Mudane C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta dhambaal hambalyo ah u diray Madaxweynaha cusub ee dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo maanta loo dhaariyay xafiiskan.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray afhayeenka Madaxtooyadda Mudane Axmed Saleebaan Dhuxul, waxaanu u dhignaa sidan:-

“Madaxweyne ku Xigeenka JSL, ahna Ku Simaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland JSL, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Sayli) ayaa Dhambaal Hambalyo ah u Diray Madaxweynaha Jamhuuriyada Dalka Kenya Mudane, Uhuru Kenyatta oo Maanta loo Caleemo saaray Xilka Madaxweynanimo ee Dalka Kenya.

Madaxweyne ku Xigeenku waxa uu Dhambaalkiisa ugu hambalyeeyay Mudane Uhuru Kenyatta xilka Madaxnimo ee ay u doorteen shacbiga reer Kenya, waxaana uu tilmaamay in labada Shacbi ee Somaliland iyo Kenya ay ka dhexeeyaan xidhiidh qoto dheer oo soo jireen ahi. Mudane Saylici waxa kale oo uu dhambaalka uu u diray Madaxweyne Uhuru Kenyatta uu ku faah-faahiyay in Dalka Kenya ay ku nool yihiin Jaaliyad balaadhan oo asalkoodu uu ka soo jeedo Jamhuuriyada Somaliland, sidoo kalana ay Dalka Somaliland ku nool yihiin Jaaliyad reer Kenya ah oo ka ganacsata kuna dhaqani dalkan Somaliland.

Madaxweyne ku Xigeenka ahna ku simaha Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland JSL, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) waxa kale oo dhambaalka uu diray Madaxweyne Uhuru Kenyatta uu ku xusay in uu rajaynayo in hogaaminta cusub ee Madaxweyne Uhuru Kenyatta ay kor usii qaadi doonto sii xoojinta xidhiidhka saaxiibtinimo ee ka dhexeeya labada Umadood iyo labada Dawladood ee Somaliland iyo Kenya.”

Salaanmedia/Hargaysa