Kulankii jaaliyadda kasoo jeeda DDSI ee UK oo tageero u muujiyey Madaxweynaha DDSI.

London(SM)Isniin April 01,2013.Shir Balaadhaa oo aay soo qaban-qaabiyeen qurba Joogta Isaaq ee kasoo jeeda DDSI  oo loogu Magac Daray SAMA GUDOON Ka dib marki uu wafti baladhaan oo uu hogamiinayo madaxweynaha DDSI Cabdi Maxamuud Cumar ay ku gala bixiyey dhul weynaha aay degaan beesha Isaaq ee Ethiopia,Shirka oo ay soo buux dhaafiyeen dadweyne ka kala yimid daafaha Dalkan Ingiriiska oo ka koobnaa bulshada Qaybaheeda kale duwan.

IMG_0293

IMG_0302

IMG_0303

IMG_0297

IMG_0293

ujeedada Shirkan ugu waynayd ayaa ahayd taageerada Socdaalkii Sama-wade ay u hayaan Qurbajoogtani kuwaasoo ku tilmaamay Socdaalkii Sama=wade in uu ahaa socdaal taariikhi ah.

IMG_0324

Salaan media_081

IMG_0330

IMG_0332

IMG_0337IMG_0312

IMG_0294

IMG_0289 Dhanka kale Qurbajoogtan ayaa Tilmaantay in ay taageero hiil iyo hooba la garab taagan yihiin Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo Xukuumada uu Hogaanka u hayaba,islamarkaana ay Door muhiima ka qaadan doonaan Arimaha Horumarka,N/gelyada iyo Maamulka Suuban ee ka taabo galay Guud ahaanba Deegaanka gaar ahaana Degmooyinka aanu ka soo jeedno ayay yidhaahdeen.ugu danbayntii ayaa ay Qurbajoogtu Tilmaameen in ay maalgashi ka samayn doonaan Deegaanka,islamarkaana ugu baaqay guud ahaanba Qurbajoogta ka soo jeeda DDSI ee ku filiqsan Daafaha Dunida in ay Gacmaha isqabsadaan Wadajirna uga Qayb qaataan Horumarka,N/gelyada iyo Maamulka Suuban ee ay ka Taabo galay Guud ahaanba Deegaanka kaliya intii ay jirtay Xukuumada uu Madaxweyne Mudane Cabdi Maxamuud Cumar hogaanka u hayay taasoo ah waxqabad Qaranimo oo lagu faano Muujinana Muwaadinimadeena Itoobiyaanimo ee aynu kaga mid nahay DFI kuna faano Muwaadinimadeena.

IMG_0331

IMG_0335

IMG_0290

 

IMG_0341

IMG_0301

IMG_0328

IMG_0292

Waxa kaloo shirka ka hadlay odayaal,dhalinyaro  iyo Haween aad ugu dheeraaday muhiimada ay leedahay horumarka bulshada iyo sidii degaanka aan horumar uga sameynlahaydeen muuqanaaya,Gudi loo xilsaaray oo iyana safar dhawaan ku tagay degaanka oo warbixin dheer kaga hadlay ayaa sheegay in waxyaabo badan ay kusoo arkeen loona baahan yahay in dadkan qurbaha ku nooli ay gacan ka gaystaan horumarka iyo nabadeynta  ka socota dalka. Waxa kalo oo dhamaan dadkii madasha ka haday ay mahadnaq usoo jeediyeen dedaalka cariga ka bilaabmay iyo  dadkii ka qayb-qaatay nabadeynta dalka oo uu hormuud ka ahaa Suldaan Maxamed Xirsi Qani iyo dadkale oo nabadeynta ka shaqeeyey.

IMG_0329

IMG_0306

IMG_0296

IMG_0291

IMG_0316

IMG_0343

IMG_0334

Waa markii ugu horeysay ee Madaxweynaha Dawlad Degaameedka Soomaalida Ethiopia Mudane Cabdi Maxamuud Cumar  iyo wafti uu hogaaminayaa ay booqasho ku kala bixiyeen degaano badan oo ka tirsan DDSI, Waxayna dadku ku qabileen meelihii uu maraayey si aad u qurux badan,Waxa muhiima in dadka kasoo jeeda degaanka ee ku nool qurbaha oo aad u badan ay tageero u muujiyaan iyo wadad shaqeyn dalka,Waxa kale oo muhiima in dawlada ka jirta degaanka Soomaalida Ethiopia in iyana ay dedaalka ay wadaan sii laba-labaan.

 

 

Xamse Axmed Salaan

Salaanmedia/London

Info@salaanmedia.com