Kulankii Madaxweyne Xasan iyo Faroole oo Garowe ku soo gebageboobay iyo natiijada ka soo baxday

Kulankii Madaxweyne Xasan iyo Faroole oo Garowe ku soo gebageboobay iyo natiijada ka soo baxday

Waxaa galabta ku soo dhamaaday magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland kulan xasaasi ah oo halkaasi uga socday madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud iyo madaxweynaha maamulkaas C/raxmaan Faroole.Afhayeenka madaxtooyada Somalia Ing. C/raxmaan Yariisow oo kulanka ka dib la hadlay idaacada VOA ayaa sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen arrimo badan oo ay ka mid ahaayeen shirka London, wadahadalka Somaliland, hirgelinta nidaamka federaalka iyo dhismaha maamulada iyo fulinta heshiiyadii ay labada dhinac horey u gaareen.

Ing. Yariisow ayaa sheegay in labada masuul ay isla garteen in la sii wado wadahadalka lala wado Somaliland, iyo shirka ka dhacaya dhowaan magaalada London, isagoo xusay iney dib u dhigteen guddi ka sii wadhadlana u saareen qodobada ku saabsan arrimnaha federaalka iyo fulinta heshiisyadii ay labada dhinac horey u gaareen.

“Sidoo kale waxay isla garteen labada dhinac in la joogteeyo wadahadalka si arrimo badan loo lafa guro natiijo wax ku ool ahna looga gaaro waxaa la saaray guddiyo labo geesood ah oo kulamada sii wadaya” ayuu intaa ku daray C/raxmaan Yariisow oo xusay in Puntland lagu amaanay federaalka ay hooyada u tahay iyo kaalinta ay ka qaadaneyso hirgelinta nidaamkaas.

Mar wax laga weydiiyey in Puntland ay ka qeyb galeyso shirka London iyo in kale ayaa Ing. Yariisow waxaa uu sheegay in sababaha uu madaxweynaha u booqday Puntland ay ka mid aheyd inuu ku casuumo ka qeyb galka shirkaas uuna wada tashi kala sameeyo qaabkii looga qeyb geli lahaa iyadoo hogaanka ka qeyb galka shirkaas looga dambeynayo dowlada, wuxuuna xusay in dhamaan kulamadaas la isku afgartay ayna ku soo dhamaadeen guul.

 Salaanmedia/