Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

Kusoo dhawaadda tixdan Gabayga ah ee la baxday NAKHUUDE iyo erayadii… Abdiweli Yalas.

Waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan saxaafada Soomaalilaand ee xorta ah iyo dhamaan shacabka sharafta iyo qaaya leh ee reer Soomaaliland, salaan kadib ku soo dhawaada tixdan gaaban ee la magac baxday naakhuude.

 abdiweli

Nuda gabay abwaan saalax baa,(1) nooli ku ahaaye

Suugaan nasiib buu u helay, naafac iyo weedhe

Naasnaasi ruuux uu mar gabay, abid ku naadshaaye

Nuxur keeda maansada ninkaa, noobel(2) lagu siiye.

 

Naakhuudihii doonta waday,daacad noqon waaye

Nabsaa qoorta soo qaban, dulmiga kii ku naaxaba e
Nidar buu maroo waa dabraa, baadil kii naqa e
Ann nasilo wadaad kaa walii, nacaye beeneeyay.
 

Naanaysta odaygii lahaa, dib u nitaaqeeye

Naanaa ina Catooshiyo kadaran naylo jaliyiiye

Laba sono dhibtii uu nabaday,naafo arag naaye

Haduu wuxu ku naaloon jiriyo, nooligii helaye

Noolaade duulkii waxbadan, naadir ka ahaaye

Haduu nimanki guusha u hayiyo,nabada hiifaaye

Nahnahliyo duqii tuug-xuniyo, nacas fariideeyey.

Ann nasilo(3) wadaadkaa walii, nacaye beeneeyay.

 

Hadba mawdku kuu naga diluu, nabar la eegtaaye

Niyad iyo kalgacal kama ahayn, nugul hadaaqiiye

Siilaanyo nacayb kuu u qabay,nudubti soo daaye

Maxamedkii (3)naftiisa u huruye, nacabka dheereeyay

Najmaduhu(4) ifkii kaga hagraday, naadi aaskiiye

Nolol laguma waaree kolkii, neefta lagaa joojay

Ee maydku waa nuurayee, naxash la soo saaray

Nasab weeye oo khaaliqaa, nuuray magaciiye

Neecaw qabaw iyo janada, abid ku nooloowe

Su, aalaha Ilaah ha u nasiro, nuurna ha u shido e
Naxariista Eebaa ku filan, kuu u nimceeyaba e

Hoy lagu negaadiyo ku gee, jaarkii nebegiiye (csw)

Amiin Amiin Amiin Amiin Amiin Amiin Amiin…..

 

1 Saalax la i diray

2 noobel=jaa’isad

3 aan dejiyo

4 colonel dhancade

5xidigo

 

 

By: Abdiwelli Yalas.

 




Leave a Reply