Laanta Socdaalka Somaliland Oo Ka Hadashay Dhalinyaro Tahriibayay Oo ay qabteen

news

April 22nd, 2013 

Hargaysa (SM): Taliye ku Xigeenka Ciidanka Laanta Socdaalka Somaliland Maxamed Xasan Saleebaan Sabloole ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhiigeen toban qof oo dadka ka tahriibin jiray magaalada Wajaale ee gobolka Gabiley.

Taliye ku Xigeenka Ciidanka Laanta Socdaalka Maxamed Xasan Saleebaan Sabloole waxa uu sidan ka sheegay mar uu shalay u waramayay telefishanka qaranka Somaliland, waxaanu sheegay inay khatarteeda leedahay tahriibku haddii aan laga hor tagin.

Maxamed Xasan Saleebaan Sablaale waxa uu u mahadnaqay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta oo uu sheegay in uu kala shaqeeyay sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen dadka dalka ka tahriibiya dadka, waxana uu tilmaamay inay wax ka mida Gabiley horgeeyeen dad uu sheegay in ay dadka tahriibin jiray.

Maxamed Xasan Saleebaan isagoo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “bishanaynu ku jirno waxa bilaabmay tahriibkii waxa socda dhalinyaro ay ugu wayn tahay 20 jir waa ubihii wadanka, hadaan laga hor tagin khadarteeday leedahay arrintaa aad baan uga hawlgalnay, waxaan aad ugu mahadnaqayaa wasiirka diinta iyo awqaafta oo nagala shaqeeyay sidii aanu u qabqaban lahayn dadka dadka tahriibinaya, waxaan waaran u jarnay toban oo maatayaynay maxkamadda Gabiley waana toban kii dadka ka tahriibin jiray Wajaale.

Tahriibkuna noocii hore isagoo sahaydiisa sita wadada mariyay, laakiin imika way iska badashay ilaa Burco ilaa Hargeysa ilaa Itoobiya waa laysku xidhan yahay.

Maxamed Xasan Saleebaan isagoo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Markaa imika barigii hore dad waaweyn ayaa tahriibi jiray imika waxa socda 20 jir inta uu ugu wayn yahay oo rag iyo dumarba leh labo meeloodna way ka baxaan labadii meeloodba aad baan xooga u saarnay, Aw Barre iyo Wajaale wiigii ugu dambeeyay ilaa 80 qof ayaan soo celinay waalidiintooda ayaan gacanta ka saarnay”.

Salaanmedia/hargaysa