Labada Madaxweyne ee Somaliland iyo Somalia oo saacadaha soo socda Ankara ku kulmaaya

somaliasomaliland

Ankara,13.4.13 (SM Labada Madaxweyne ee Somalia iyo Somaliland ayaa la filayaa inay maanta lagu wadaa iney kulankoodii ugu horeeyey ee foolka ka fool ah ku yeeshaan magaalada Ankara ee dalka Turkiga.
Kulankan ayaa la sheegay inaan la isku hadal qaadi doonin qodobka ugu daran ee ah madax banaanida  Somaliland, hase ahaatee waxaa laga wada hadlayaa qodobo kale oo ku saabsan hagaajinta xiriirka labada dhinac iyo ganacsiga.
Kulamo hordhac ah oo xalay iyo shalay uga socday dalka Turkiga wasiiro ka tirsan labada dhinac ayaa xalay la soo gabagabeeyay kuwaasoo diyaarinayey qodobada heshiis qabyo oo ay ugu dambeyn saxiixi doonaan labada dhinac.

Dawlada Soomaaliya waxaa kulankaas u metelayey wasiirka arimaha gudaha C/kariin Xussen Guuleed, halka dhinaca Somaliland uu hogaaminayay wasiirka arimaha dibada Dr. Maxamed C/llaahi Cumar, waxaana kulankoodii ay isla afgarteen qodobo ay ka mid yihiin in si wada jir ah looga shaqeeyo la dagaalanka burcad badeeda iyo kooxaha argagixisada iyo in kalsooni lagu abuuro labada shacab.
Waxyaabaha laga wada hadlay ayaa sidoo kale waxaa ka mid ahaa in deeqaha ay dowladu ka hesho beesha caalamka qaybtooda laga siiyo  Somaliland iyo in sidoo kale ay sii socdaan wada hadalada u dhaxeeya labada dhinac, ayna yeeshaan kulamo kale illaa xalka ugu dambeeya laga gaarayo in Somalilan ay ka sii mid ahaato Somalia iyo iney dal madax banana noqoto.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland, Maxamed C/llaahi Cumar oo ku sugan Ankara ayaa sheegay in shirka uu noqon doono mid ay labada madaxweynuhu isku dhaafsadaan fikrado ayna kasoo saaraan go’aanno mideysan, isagoo dhinaca kale xusay in Somaliland aysan gorgortan ka galayn xoriyadda iyo madaxbannaanida ay sheeganeyso.
Dhinaca kale, Wasiirka arimaha gudaha dawlada Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed ayaa xaqiijiyay in wada hadaladii dhexmaray iyaga iyo dhinacyadii ka socday maamulka Somaaliya ay ka soo baxeen natiijooyin hordhac ah oo aad u wanaagsan ayna rajeynayaan in labada madaxweyne ay saxiixaan.
Salaanmedia/Hargaysa