Madaxwaynahya DDSI oo Caawa Xafiiskiisa Ku Qaabilay Qurbajoog u Dhalatay DDSI.

Jigjiga(SM) isniin April 15,2013:-Madaxwaynaha DDSI Madane Cabdi Maxamuud Cumar oo ay wehilinayeen wasiirka qurba-joogta DDSI iyo wasiirka madaxtooyada ayaa caawa fiidkii ku qaabilay xafiiskiisa qurba-joog u dhalatay DDSI gaar ahaan gobolka siti oo waayadanba booqasho ku joogay deegaanka kana kala yimid maraykanka,australia iyo yurub. qurba-joogtan ayaa dhawaan soo gadhay deegaanka gaar ahaan magaalada jigjiga,islamarkaana booqasho ku tagay meelo badan oo muhiin u ah Isbedelada Horumarineed iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee alle ku manaystay deegaanka kana mid tahay Gobolka Shabeele,iyagoona soo indha indheeyay Horumarka ka taabo galay Degmooyinka Godey iyo Boodhcaano oo ay aad ula amakaageen.

Kukankan caawa ayaa waxaa ugu horayntii furay madaxwaynaha DDSI mudane cabdi maxamuud cumar isagoona ku soo dhaweeyay qurbajoogta deegaankooda wuxuuna warbixin dheer ka siiyay xaaladaha guud ee deegaanka ku sugan yahay dhinacyada horumarka,nabadgalyada,nidaamka maalgashiga iyo fursadaha ka jira deegaanka,tilmaamayna in dalku u baahan yahay qof kasta(Individual Contribution) islamarkaana looga fadhiyo Guudahaanba Qurbajoogta ka soo jeeda DDSI in ay kaalin mug leh ka qaataan nidaamka horumarka ka socda deegaanka gaar ahaan dhinaca maalgashiga.

Qurba-joogtan u dhalatay deegaanka oo maalmahanba ku sugnaa Deegaanka aadna ugu riyaaqay horumarka Siman iyo Isbedelada lagu soo hiranayo ee Xukuumada DDSI ka taabogalisay guud ahaan deegaanka,iyagoona mahadnaq balaadhan u soo jeediyay xukuumada uu hogaaminaya madaxwayne cabdi maxamuud cumar sida fiican ee ay ugu soo dhaweysay deegaankooda,waxayna sheegeena in maanta deegaanka uu gaadhay horumar iyo nadabgalyo taam ah.

Qurbajoogta ma qiyaasi karo Qof ka maqan Deegaanka Horumarka balaadhan ee uu ku talaabsaday Dalka iyo Yididiilada isbedelka Nololeed ee ka taabo gashay,waxayna sheegeen qurba-joogtani in ay iyagu soo indha-indheeyeen meelo badan oo ka mid ah deegaanka sida gobolka shabeelo oo ay soo mareen meelaha ay dib u dajintu ka socoto,waxaanan siwayn ula dhacnay ayay yidhaahdeen qorshayaasha dhaxal galka ah ee ay xukuumadu ka wado agabaarka wabiyada oo dadka xoola dhaqatada ah loogu badalayo xoolo dhaqato beeralay waxayna siwayn ugu mahadnaqeen maamulka gobolka shabeelo oo intii ay joogeen u soo dhaweeyay si qiiro wadaniyeed ay ku dheehan tahay.

Salaanmedia/Jig-Jiga