Madaxweynaha Somalia oo qaabilay wasiiro ka tirsan dowlada Finland oo maanta Muqdisho soo gaadhay. (DAAWO SAWIRADA)

 

 

Muqdisho, Soomaaliya, April, 01, 2013) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Sheekh Maxamud ayaa maanta waxaa Madaxtooyadda ku soo booqday wafdi uu hogaaminayay Wasiirka arimaha dibadda ee dalka Finland Mudane Erkki Tuomioja .

Madaxweynaha ayaa waxaa wehliyay R/Wasaare K/Xigeenka ahnaWasiirka arimaha dibadda Marwo Fowsiyo Yusuf Xaaji Aadan, Wasiirka arrimaha bulshadda Marwo Maryan Qaasim, iyo Wasiirka Qeyraadka Mudane Cabdi Rizaaq Cumar Maxamed.

Sidoo kale dhanka Finland waxaa ka socday Wasiirka horumarinta Marwo Heidi Hautala iyo Safiirka Finland u qaabilsan Soomaaliya Marwo Sofie From- Emmesberger.Madaxweynaha ayaa wafdiga ku soo dhaweeyay Soomaaliya una sheegay in is-bedel dhab ah uu ka dhacay Soomaaliya.

“ Waxaa ka go’an dowladda in ay 5 mashruuc ka hir-geliso degmooyinka dalka. Mashruucyada ayaa waxaa ay kala yihiin Iskool, Isbitaal yar, Xarun Boolis,Xarunta Maamulka Degmadda, iyo Ceel.” Ayuu yiri Madaxweynaha mar uu ka warbixiyay qorshaha dowladda.

Ugu danbeytii ayuu Madaxeynaha ka codsaday in ay dowladda Finland ka qeyb qaadato dib-u-dhiska Soomaaliya. Waxaa kale uu kaga mahad celiyay sida sharfta leh ay dalkooda ugu soo dhaweeyeen shacab Soomaaliyeed oo dhibaateysnaa.

Dhammaad.
Communication Office