Madaxweynaha Somalia oo sheegay inay sida Al-shabaab ula dagaalamayaan Askarta Dhibaatooyin u geysta Shacabka

Xasan-sheekh

Arbaco, April 10, 2013 (SM) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ballanqaaday in ay ula dagaalami doonaan ciidamada geysta kufsiga iyo dhaca sida ay ula dagaalamaan Al-shabaab, isagoo qiray in kooxo yar oo ciidamo ka mid ah kuwa dowladda ay kufsi iyo dhac u geystaan shacabka Soomaaliyeed.

Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa diida eedeymaha ku saabsan dhibaatooyinka ay askarta dowladdu u geystaan shacabka, sida inay kufsi u geystaan haweenka ku jira xeryaha barakacayaasha.

“Tiro yar oo ka tirsan ciidamada dowladda ayaa kufsi iyo boob u geysta dadka shacabka, kuwaasna waxaan ula dagaalami doonnaa sida aan ula dagalaanno Al-shabaab,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh oo dhawaan ka hadlayay xero tababar loogu soo xiray ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu ku yiri warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiskiisa Muqdisho: “Dambiilayaasha caadeystay inay kufsi geystaan, sidii kuwa naga soo horjeeda ee Al-shabaab ayaan ula dagaalamaynaa.”

Hay’adda xuquuqda aadanaha ee HRW ayaa dhawaan warbixin ay soo saartay ku sheegtay in ciidammo ka tirsan kuwa dowladda ay kufsi baahsan ka geystaan xeryaha barakacayaasha ee ku yaalla Muqdisho, iyadoo dowladda ka dalbatay inay ciidamadeeda ka joojiso falalkaas.

“Go’aanka madaxweynaha Soomaaliya ee ah inuu ciribtirayo falal dambiyeedyada uu ka mid yahay kufsiga ee ay geysanayaan ciidamada dowladda waa tallaabo muhiim ah, laakiinse waxaa loo baahan yahay in si dhab loo fuliyo,” ayay tiri ku xigeenka madaxa HRW ee Afrika, Leslie Lefkow.

Sdioo kale, mas’uulka HRW wuxuu sheegay in dowladda looga baahan yahay inay baaritaanno ku sameyso dambiyadii dhacay iyo kuwa looga shakisan yahay inay geysteen, dambiilayaashana sharciga loo horkeeno.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa inta badan lagu eedeeyaan inay kufsi u geystaan haweenka ku jira xeryaha barakacayaasha, taasoo muran badan ka dhex-dhalisay dowladda iyo hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha.

Faysal Cabdi Daahir/Burco