Madaxweynaha Somaliland Iyo Weftigiisii Oo Si Weyn Loogu Soo dhaweeyay Ankara

April 12th, 2013 Comments Off

Ankara(SM)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigii uu hogaaminayey ayaa maanta gaadhay caasimada dalka Turkiga ee Ankara.



Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska Afhayeenka, waxa weftiga Halkaas si balaadhan loogu soo dhaweeyey garoonka Diyaaraha oo ay kaga horyimaadeen masuuliyiin sar-sare oo ka socda dawlada Turkiga.


Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigiiisa waxa lagu qaabIlay Hab-maamuus sare, waxaana la filayaa in 48-ka saacadood ee soo socda uu ka qayb-geli doono shirka wada hadlalada Somaliland iyo Soomaaliya ee sida rasmiga uga furmaya dalka Turkiga gaar ahaan magaalo madaxdiisa Ankara.

Salaanmedia/Hargaysa