Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan la Yeeshay Wasiir Ku xigeenka & Saraakiisha Arrimaha dibadda Maraykanka

Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan la Yeeshay Wasiir Ku xigeenka & Saraakiisha Arrimaha dibadda Maraykanka

April 26th, 2013 

IMG_3049

WASHINGTON (SM)-Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed (Siilaanyo) ayaa la Kulmay Madax sar-sare oo State Department-ka ah, oo ay ka mid ahayd. Marwo magaceeda la yidhaahdo Wendy Sherwin oo ah Ku xigeenka Wasiirka Arrimaha Dibada ee Maraykanka Mr. Kerry.

kulankaasi uu Madaxwaynaha iyo weftigiisu la yeesheen Madaxda sar-sare ee State Department-ka ayaa madaxweynuhu ugu horayn Waxa uu kala hadlay dawlada Maraykanka sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka labada waddan, khaasatan dhinaca nabad-gelyada waxaanu waydiiyay mar hadii dawlada Maraykanku ay aqoonsatay Soomaaliya, inay arrintaasi wax saamayn ah Ku leedahay xidhiidhka labada waddan ee Somaliland Iyo USA.

Madaxweynuhu waxa uu u soo jeediyay in dawlada Maraykanku ay Somaliland ka caawiso sidii Somaliland uga heli lahayd xubin sharafeed ururada IGAD, AU, UN Iyo Kuwa kaleba.

Dawlada Maraykanka oo ay u hadlayeen Marwo Shermin Iyo Mudane Don Yamamto oo ah madaxa qaybta Africa, waxay weftiga madaxwaynaha u xajiiyeen in xidhiidhka Somaliland iyo USA aan wax isbedel ah aanay Ku keeni doonin aqoonsiga ay USA aqoonsatay Somalia.

Waxa kale oo waftiga ay u sheegeen inay diyaar la yihiin heshiis dhinaca nabad-gelyada ah oo cusub, kaas oo ay Somaliland diyaar ula yihiin ka maraykanku . Kaas oo mustaqbalka dhow la suurto gelin-doono.

Waxa kale oo Marwo Shermin ay u sheegtay weftiga Madaxweyne Axmed Siilaanyo in Maraykanku ka caawin doono Somaliland doorashada soo socota Iyo waliba caawimadii sannadlaha ahayd ee ay hore u bixin jireen oo ay Kor u Qaadi doonaan hada. Waxay kale oo ay sheegtay in ay ka qayb qaadan doonaan sanduuqa Somaliland.

Markii shirku dhamaaday Madaxwaynaha Iyo waftigiisa waxa loogu samaayay Wasaarada Arrimaha Dibada qado sharafeed ay ka soo qayb galeen shaqaale sare oo ka tirsan Wasaarada Arrimaha Dibada qaybteeda Africa.

Salaanmedia/Hargaysa