Madaxweynaha Somaliland Oo Xadhiga ka Jaray Xarun Laba Dabaq ah oo loo dhisay W/Kalluumaysiga

April 3rd, 2013 Comments Off

“Waa Inaynu Ka Faa’iidaysiga Kalluunka iyo Cilmigiisa Barnaa oo ay siyaasad inoo ahaataa”

Hargeysa (SM)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta xadhiga ka jaray dhisme laba dabaq ka kooban oo Wasaaradda kalluumaysiga iyo khayraadka bada loo dhisay.

Wasiirka Kalluumaysiga iyo khayraadka Badda Mudane Cabdilaahi jaamac Cismaan Geel-jire oo ka hadlay furitaankii munaasibadii xadhiga lagaga jarayay dhismahan cusub ayaa sheegay in uu wax weyn ka tarayo dhismahani baahidii dhinaca xafiisyadda ee ay haysatay wasaaradaasi.
Wasiirku waxa uu ku ammaanay xukuumadda inay kharashka ku baxay dhismahan iyadu bixisay.

Agaasimaha guud ee wasaaradda kaluumaysiga Maxamed cilmi Aadan (Ilkacase) oo xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay inay sharaf weyn u tahay bulshada Somaliland in uu ku simay fulinta ballanqaadkii xisbiga kulmiye ee ku aadanaa hagaajinta xaaladda farsamo iyo ta ka faa’iidaysi ee xeebaha Somaliland, isagoo tilmaamay in kalluumaysatada somaliland ay beryahan dambe hadal hayeen in kalluunkii uu xeebta ku soo dhowaaday taasoo ka turjumaysa go’aankii ay xukuumaddu ku baabi’isay heshiisyadii ay shirkadihii shisheeye kaga kalluumaysan jireen xeebaha Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ka hadlay xafladaasi ayaa sheegay in dhismahani uu qeyb ka yahay qorshaha xukuumaddu ay ku doonayso inay lagu horumariyo xafiisyada ay dawladdu ku shaqeyso.

“Waxaan ku faraxsan nahay inaan furo dhismaha Wasaaradda Kaluumaysiga oo ah dhisme aad u qurux badan, waxaynu leenahay xeeb aad u dheer, haddii aynu horumarino waxaynu kari karnaa heer ah inaynu sida aynu xoolaha u dirno oo kale u diri karnaa,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Narkaa waxaynu u baahan nahay inaynu ka shaqeyno oo aynu u soo jeedsano oo sida xoolaha loo dhaqo aynu u dhaqno kalluunka oo aynu cilmigiisa iyo aqoontiisa barano, kalluunka inaynu ka shaqeyno ha inoo ahaato siyaasad.”

Salaanmedia/Hargaysa