Madaxweynaha Somaliland & Weftigiisii Oo Gaadhay Maraykanka

Madaxweynaha Somaliland & Weftigiisii Oo Gaadhay Maraykanka

April 20th, 2013   Comments Off

Hargeysa (SM)- Madaxwynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa booqasho ku tagay shalay Dalka Mareykanda siiba magaalada Washington DC. Safarkan ayaa ah kii ugu horreeyey ee Madaxweyne Siilaanyo uu ku tago Dalka Mareykanka tan iyo markii loo doortay Madaxweynaha Somaliland 2010 kii.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa sheegay in xidhiidh wacani ka dhaxeeyo Dawladda Mareykanka iyo Dawladda Somaliland kaas oo soo bilaabmay illaa iyo xilligii ay Somaliland Xornimada Qaadatay ee 1960kii. Siilaanyo ayaa ka waramay in xidhiidhka  u dhaxeeya Somaliland iyo Mareykanku uu ku bilaabmay ka dib markii Madaxweynihii Dalka Mareykanka haystay, waa Eisenhower e,  uu Taar u soo diray taarkaas oo ay Dawladda Mareykanku ugu hambalyeyneysay Xornimada ay qaadatay Somaliland.

Safiirka Somaliland u fadhiga carriga Mareykanka mudane RADHIID GAARUF  ayaa warbaahinta u sheegay  in madaxweyne Siilaanyo uu wadanka mareykanka uu joogi doono muddo todobaad ah uuna la kulmi doono  mudanayaal ka tirsan aqalka sare ee senet-ka. Iyo waliba madax  sar sare oo ka tirsan wasaaradaha Arimaha Dibadda iyo Gaashaandhiga.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa waxa kale oo uu la kulmi doonaa Madax ka mid ah hayadda caawimada u qaabilsan dalka mareykanka ee la yidhaa USAID. Madaxweyne Siilaanyo ayaa khudbad ka jeedin doona meesha la yidhaa The Atlantic Council, khudbadaas oo ay ka soo qeyb gali doonaan madax kale duwan oo dalka mareykanka ah. Intaas ka dib waxa la filayaa inuu madaxweynuhu uu kulan la qaado jaalidda Somaliland eek u dhaqanka Dalka Mareykanka.

Madaxweynaha waxa socdaalkiisa ku wehelinaayey Marwada Koobaad, Wasiirka Arimaha Dibadda Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar iyo Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xassan. Waxa iyaguna Mareykanka uga sii horreeyey Wasiirka Qorsheynta Qaranka mudane Sacad Cali Shire, Wasiirka Macdanta iyo Biyaha mudane Xuseen Cabdi Ducaale iyo Wasiirul Dawlaha Maaliyadda Mudane Cismaan Sarardiid Cadaani.

Salaanmedia/Hargaysa