Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha Puntland C/Raxmaan Faroole oo maanta kulmaya iyo Faah faahin kasoo baxaysa ..

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Madaxweynaha Puntland C/Raxmaan Faroole oo maanta kulmaya iyo Faah faahin kasoo baxaysa ..  
 

news-image1
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa maanta lagu wadaa in ee gaaraan Magaalada Garawe ee Xarunta Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntlnad.

Socdaalka Madaxweynaha ayaa xiligan si weyn looga dareemayaa Xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia iyo sidoo kale garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde halkaas oo laga dareemayo abaabulka bixitaanka Madxaweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xubnaha la socda.

Dhinaca kale Magaalada Garawe ayaa iyana saakay laga dareemayaa xaalad sidii hore ka badalan waxaana halkaasi saakay kasocda abaabulka soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya iyo xubnaha lasocda oo markii ugu horeesay maanta tagaya Deegaanada Puntland.

Amaanka Garawe ayaa si aad ah loo adkeeyay ciidamo badan ayaana la dhigay wadooyinka soo gala Magaalada si loo xaqiijiyo amaanka inta ee joogaan Madaxweynaha iyo Xubnaha la socda , lamana oga inta ee qaadan doonto safarka Madaxweynaha ee Magaalada Garawe.

Madaxweynaha ayaa inta uu Garawe joogo waxa uu la kulmi doonaa Madaxweynaha Puntland C/Raxmaan Fraoole , warar soo baxaya ayaana sheegaya in labada dhinac kawada hadlayaan arimo badan ee ugu horeeso xiriirka labada dhinac ka dhaxeeya sidii loo xoojin lahaa iyo arimo kale oo dhinaca amaanka ah.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh iyo C/Raxmaan Faroole ayaa lagu soo waramayaa in ee kawada hadli doonaan arimaha Jubooyinka gaar ahaan Maamulka Jubaland ee Kismaayo lagu dhisayo kaa ee Dowlada Soomaaliya kasoo horjeedo halka C/Rax,an Faroole maamulkiisana uu dhisida maamulkaasi si weyn u maal galinayo.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha Safarka Madaxweynaha kala Soco Wararkayaga Dambe Insha Allah