Madaxweyne Siilaanyo oo la kulmay Saraakiil Ka Tirsan Wasaaradda Gaashandhiga Dalka Maraykanka.

Saraakiil Ka Tirsan Wasaaradda Gaashandhiga Dalka Maraykanka Iyo Haayadda Sirdoonka Dalka Maraykanka Ee CIA-Da oo Madaxweyne Siilaanyo Ka Oo Codsaday Saldhig Militery, Iyo Qodobo Muhiim Ah Oo Laga Wada Hadlay

silanyo-meeting-224x150.jpg

Washington(SM)-Kaaliyaha xoghayaha gaashandhiga dalka maraykanka u qaabilsan qaybta siyaasadda iyo dalalka Afrika Mr. James Miller oo ay weheliso kaaliyaha xoghayaha gaashandhiga ee ka hor tagga khataraha caalamiga ah iyo xidhiidhka wasaaradda gaashandhiga iyo dunida Mrs Cyrns C Holls ayaa maanta xarunta wasaaradda gaashandhiga dalka maraykanka waxay ku qaabileen wefdigii madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo hogaaminaayey ee ku sugna maalmahii ugu danbeeyey magaalada Washington Dc ee xarunta dalka maraykanka

Kulanka oo ahaa qado sharaf ay ay ka soo qayb galleen saraakiil iyo madax ka tirsan wasaaradda gaashandhiga dalka maraykanka iyo weliba saraakiil ka socotay haayadda sirdoonka dhexe ee dalka maraykanka ee C.I.Ada ayaa gebi ahaanba wuxuu ahaa kulankaasi mid albaabada la isku xidhay oo aan loo ogolayn inay warbaahintu la socoto.

Kulanka oo qaybtiisa hore ka dhacay xarunta martiqaadka iyo soo dhawaynta ee xarunta wasaaradda gaashandhiga ee dalka maraykanka ayaa waxaa hadal ka jeediyey madaxdweynaha Somaliland oo si dheer uga waramay taariikhda Somaliland ilaa iyo sannadkii 1960-kii iyo xidhiidhkii militery iyo siyaasadeed ee u dhexeeyey Somaliland iyo dalka maraykanka oo labaduba ku yimid xornimadii gumaystaha Britain.

Dabadeedna wefdiga madaxweyne Siilaanyo ayaa loo soo kaxeeyey dhinaca xarumaha shirarka oo madaxdaasi ay madaxweyne Siilaanyo la galleen kulan albaabadu u xidhanyahiin ayaa warar ay Halbeegnews ka hellayso tibaaxayaan in lagaga hadlay sidii dawladda maraykanka ay gacan uga gaysan lahayd taageeradda ciidamadda ammaanka iyo militeryga Somaliland.

Dawladda Maraykanka Oo Codsatay Saldhig Militery Oo Laga Siiyo Magaalada Berbera

Wararka ka soo baxaya kulanka ayaa tibaaxaya inuu jiray qodob la isla soo qaaday oo tibaaxaya in dalka maraykanku uu ka samaysto saldhig dhinaca militeryga ah magaalo xeebeedka Berbera ee Somaliland kaasi oo maraykanku aad u doonayo inuu kala socdo dhaq dhaqaaqyada biyaha bedda cas iyo gacanka cadmeed.

Wallow aan si rasmi ah shaaca looga qaadin saraakiisha wasaaradda gaashandhiga ee dalka maraykanka ayaa kulankaasi waxay madaxweyne Siilaanyo u ballan qaadeen inay dawladda maraykanku bedeli doonto qaabkii ay markii hore ula macaamili jirtay Somaliland isla markaana tababaradda dhinaca militeryga uu dalka maraykanku toos u siinayo Somaliland.

Waxaana ay sheegeen in ay Somaliland usoo dirayaan koox soo daraasadaysa sida maraykanku gacan u siin karo Somaliland oo ku taalla goob istaraatiji ah.

Tababarka Ciidamadda Bedda Somaliland

Kulanka ayaa lagu soo qaaday in saldhig balaadhan oo ah ciidamadda bedda oo dawladda maraykanku ay maal gelinayso isla markaana qallabaynayso laga sameeyo magaalada Berbera, saldhigaasi oo lagu tababarayo ciidamadda bedda Somaliland kuwaasi oo ku biiri doona hawl galladda la dagaalanka kooxaha budhcad badeeda ah.

Â