Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif oo kusugan USA(Daawo Sawirada)

 

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya  Sheekh Shariif oo Mudo kadib soo Muuqday kuna Sugan USA(Daawo Sawirada)  

Madaxweynihii hore Dowladii KMG ee Soomaaliya Sheekh Shaiif Sheekh Axmed oo warkiisa la waayay tan iyo Markii uu Magaalada Muqdisho ka guuray kuna  guul dareestay in Mar kale la doorto ayaa xiligan ku sugan Magaalada Boston ee Dalka Mareykanka.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo xiligan ku sugan Magaalada Boston ayaa la kulmay Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Boston waxa uuna uga sheekeeyay Marxaladihii kala duwaan uu soo maray intii uu xilka hayay iyo sidii uu ugu qancay guul daradii kasoo gaartay Doorashadii Madaxweyne ee sanadkii hore ka dhacday Muqdisho.
Sheekh Shariif ayaa xiligan ku sugan Xarunta Jaamacada Boston ee Madxaweynayaasha Afrika halkaas uu ka jeedinayo Khudbad, waana Jamacada ee Hogaamiyaal badan oo Afrikan horeyna Madaxweyne usoo noqday ee Qudbado ka jeediyeen.
Waa markii ugu horeesay Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu kasoo dhax Muuqdo Goob fagaaro ah tan iyo markii uu ka guuray Magaalada Muqdisho uuna ku guul dareestay in uu Hogaanka Dalka Sii haayo kadib markii si lama filaan ah uu Doorashada kaga guuleestay Madaxweynaha iminka talada haya Xasan Sheekh Maxamuud. 

 

Salaanmedia/Mogdisho

Â