Maxaa kasoo baxay Kulankii Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Uhuru Kenyatta Mombasa ku dhax maray(Daawo Sawirada)

Maxaa kasoo baxay Kulankii Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Uhuru Kenyatta Mombasa ku dhax maray(Daawo Sawirada)  
 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xassan Shiiq Maxamuud ayaa maanta safar kooban oo shaqo ku gaaray magaaladda Mombasa ee dalka Kenya halkaasna wuxuu kula kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Kenya Mudane Uhuru Kenyatta.

Waxaa Madaxeynaha ku wehliyay safarkiisa R/Wasaare Ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Marwo Fawsiya Yuusuf Xaaji Aadam, iyo Wasiirul Dowlaha Madaxtooyadda Mudane Faarax C/Qaadir.

“ Waxaan fursad u helay in aan Madaxweyne Kenyatta ku wargeliyo Shirka London ee dhici doona asbuuca soo socda iyo danaha ay Soomaaliya ka leedahay, waxaa kale oo na dhexmaray wada hadalo wanaagsan oo la xariira arrimo dhowr ah oo anaga oo dhan dan noogu jirto waxaa naga dhexeeya dano farabadan, waxaana naga go’an in aan ka wada shaqeeyno in Bariga Afrika uu noqdo meel horumar iyo nabad leh” ayuu yiri Madaxweynaha.

“Sidoo kale waxaan ka hadalnay in Al-Shabaab iyo fikirkooda wixii wata laga hortago si ayna u faafin fikirka xag jirka ah ee ku saleysan argagixisadda.” Bur-burka soo gaaray Al-Shabaab ayaa wuxuu keenay in ay bilaabaan xasuuqa Shacabka” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh.

Ugu danbeytii ayaa waxaa laga hadlay qaabkii ay qaxootiga Soomaaliyeed ugu noqon lahayeen dhulkooda hooyo Taasna waxa leysla gartay in ay dhici doonto marka loo diyaariyo qaab ay dalkooda ku soo noqdaan.
Salaanmedia/Mogdisho