Maxamed Cabdiraxmaan Gadhyare Oo Si Adag U Cambaareeyey Weerarkii Lagu Qaaday Xarunta Wargeyska Hubaal, Kuna Baaqay In Sharciga La Horkeeno Ciddii Falkaasi Fulisay.

 

Maxamed Cabdiraxmaan Gadhyare Oo Si Adag U Cambaareeyey Weerarkii Lagu Qaaday Xarunta Wargeyska Hubaal, Kuna Baaqay In Sharciga La Horkeeno Ciddii Falkaasi Fulisay.


 Sunday, April 28, 2013 
“Dhacdadan lagu weeraray Wargeyska Hubaal waa dhacdo innagu ugub ah,maxaa yeelay? ciidankii booliska Somaliland ee ammaanka shacabka ilaalinayey oo hadana wax weeraraya waa wax lala yaabo oo fool-xumo ah oo aan weligeed ina soo marin”

Hargeysa(HWN):-Guddoomiyihii Wargeyskii Hargeysa-Star Maxamed Cabdiraxmaan (Gadhyare), isla markaana ahaa mulkiila Wargeyskaas ayaa cambaareeyey weerarkii todobaadkii hore lagu qaaday Xarunta Wargeyska Hubaal,kaas oo isku day dil lagula beegsaday Guddoomiyaha Wargeyskaas Maxamed Axmed Jaamac (Calooley), gacana laga jabiyey.

Sidaa waxa uu ku sheegay Qoraal kooban oo galabta soo gaadhsiiyey Xafiiska Shabakada Wararka ee Hadhwanaagnews ee Magaalada Hargeysa, Waxaanu ku taliyey inaan laga hadhin falkaasi ee sida ugu dhakhsaha baddan sharciga loo horkeena.

Maxamed Cabdiraxmaan

Gadhyare

 

“Waxaan cambaareynaynaa falkii foosha xumaa ee lagu weeraray todobaadkii hore xarunta Wargeyska Hubaal, kaas oo isku day dil lagula beegsaday guddoomiyaha Wargeyska Hubaal Axmed Jaamac (Caloolay).

Dhacdadan lagu weeraray Wargeyska Hubaal waa dhacdo innagu ugub ah,maxaa yeelay? ciidankii booliska Somaliland ee ammaanka shacabka ilaalinayey oo hadana wax weeraraya waa wax lala yaabo oo fool-xumo ah oo aan weligeed ina soo marin

Waxa kale oo loogu talogalay in lagu cabudhiyo saxaafada madaxa banaan ee Somaliland. Waxa kale oo cad in fidno loogu talogalay la iskaga horkeenayo dadyawga walaalaha ah ee nabadda ku wada degan caasimada ,marka la eego araga loo adeegsaday in lagu fuliyo weerarka axmaqnimada ah.I

ILAAHAY ayaan ugu mahadnaqaynaa  inuu fashiliyey weerarkan Tifatiraha iyo madaxda kale iyo shaqaalaha Hubaal waxaanu  ku tahniyadaynaynaa sida geesinimada ah eey iskaga difaaceen weerarkan iyo sida ay hubkii uga dhigeen una qabteen mid ka mid ragii la soo diray inay weeraraan. Iyada oonu isla warkaas khasaaraha ka soo gaadhay weerarkan gardarada ah.

Sidaa daradeed, waxaan ku talinayaa inaan laga hadhin raggii geystey Weerarkaasi oo la xaqiijiyey inay ciidanka booliska ka tirsanaayeen oo midna la qabtey midna baxsaday, Markaa waxaan ugu baaqaya Xukuumadda, iyo Ciidanka ammaankuba inay si deg-dega sharciga u horkeenaan ciddii ka danbeysay falkaasi.

Madaxbanaanida xoriyatul-qawlku waa waxay Somaliland ku soo hano-qaaday, isla markaana adduunku ku qiimeeyo,taasina dhidibada u taageysa nidaamka dimuqraadiyadeed ee dalka Somaliland ka hanno-qaaday ee caalamkuna dalka ku qiimeeyo”

Falkan lagu weeraray Wargeyska Hubaal ayaa waxa ka hadlay Guddoomiyihii Urur-Siyaasadeedka Xaqsoor Xasan CIise Jaamac, Murrashaxa Madaxweynanimada Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe, Guddida arrimaha gudaha ,Difaaca iyo nabadgelyada ee Golaha Wakiillada Somaliland, Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland oo Cambaareeyey falkaasi iyo masuuliyiin tiro dadweyne aad u tira baddan.

 Xigasho Hadhwanaag