Salaan Media - Warbaahin Dhex-dhexaad ah

“Maxaynu Ka Soo Faa’iidnay Shirkii Turkiga” Qalinkii: Aadan Axmed Cilmi (Dhoolayare)

“Maxaynu Ka Soo Faa’iidnay Shirkii Turkiga” Qalinkii: Aadan Axmed Cilmi (Dhoolayare)

April 17th, 2013 Comments Off

Dhammaan akhrstayaasha sharafta leh meel kasta oo aad joogtaan waxaan filayaa ayaamahan dambe waxaa inagu cusub oo aad loo faalaynayay waxyaabaha ka socday ama shirkii TURKIGA waxaynu la socona in aduunyada waagii beryaba ay ka dhacaan dhacdooyin faro badan oo kala duwan aduunyaduna wararka way wada ogyihiin oo calamkiiba wuxuu noqday GLOBAL VILLAGE dadka qaar haddii aad la sheekaysato waxaaba ku soo yaraaday adduunkii berigii hore weynaa.

Waxaana fududeeya teknolajiyada caalamka halka ay marayso oo si fudud la isaga war hayo la isuna maqli karo la isuna arki karo meeshaad la isna gaadhi karo kolba sidii ay qofka ugu fududahay beri dhawse waxaa la gaadhayaa inaan adduunkuba fiiso isu qaadan oo qof walba laga war hayo dhaqdhaqaaqiisa iyo cinwaankiisa oo buuxa qofna baxsan karin taasina waxay noqonaysaa qof wal iyo awoodiisa kharash ee uu ku baxayo.

Hadaba, waxaas oo dhan qaarad walba wax baa ka khuseeya wadan walba wax baa ka khuseeya qof walba wax baa ka khuseeya ,aynu teena u soo daadegno waxaa todobaadkii tegay inaga khuseeya caalamka shirkii dawlada Turkigu u qabatay Soomaaliya iyo Somaliland.Taas ayuu ku saabsan yahay waxaan u qoray aragtidan soo socota waa laga yaaba inaan khaldanaan karo laakiin waa sida ay iila muuqatay.

Waxa dhab ah in dad badani ay dhinacyo badan ka eegaan aragtidooda inkastoo ay jiraan dad iyagu had iyo goor (negative ah) indho taban ku eega oo dhinac kale u kaca yeelkood waa abuur ILAAHAY intase caafimaad qabta wey isu fududeeyaan aragtida waana ay rog-rogaan waana la isla qaataa marka dambe wixii macquul ah kama caqli fiicni dadka kamana aqoon badni laakiin waxaa jira haddii meel lagu wada dhegaysto idaacad ama BBC -da oo berigii hore idaacada qudha ee aynu ku kalsoon nahay marka ay ka baxdo waxaa lagu murmi jiray warkii ay sheegtay oo nin ba si u odhan jiray ama sidii uu jecel yahay. Ka soo deg qodobada shirka ka soo baxay oo siyaabo faro badan loo akhriyay.

Marka hore waxaynu soo qaadnayna shirka yaa inooga qayb galay waa labadii xisbi ee mucaaradka ahaa ee la doortay iyo xukuumadii iyo xisbigeedii talada dalka hayay waxaynu odhan karnaa Somaliland waa loo dhamaa cidii aynu dooranay shaki ma laha.

Intaas marka laga yimaado waxaan filayaa inaanay jirin cid gaar ah oo la eedeynayaa mar haddii muxaafid iyo mucaarad aan loo kala hadhin waa laga yaaba inay jiraan dad u madaxbanaan siyaasadooda oo aan midna taageerin,hadana inta kale ayaa ka badan ee u kala qaybsan sadexda xisbi tallo iyo tilmaanna waa la siin karaa, mid kalana aan daaha ka rogo waxaynu ognahay inaanay lahayn tallada u dambeysa ee rabitaanka shacbka ,taas markay gaadho waxaa dastuurku farayaa iyo caqliguba inay talada ku soo celiyaan shacbkii lahaa. Taas waa marka la gaadho ha joogto,maxaa ka horeeya wada hadal, in la wada hadlo xaq weeye aynu wada hadalaana waa aynu heshiino.

Aynu heshiino waa maxay ma in dib loo midoobaa mise in la kala tagaa? waa innagu wax aynu u macnaysanaynaa aan heshiino waa ina kala kaxeeya ,hada haddii la kala tago macnaheedu ma weynu coloonay oo dagaal baa inaga dhexeeyaa maaha waxaa la noqonay laba dal oo walaalo ah oo qolo waliba shacabkeeda korsata oo horumarisa oo wax la wada qabsado waa ba ay ka wanaagsanaanaysaa haddii laysku jiro waayo waxay dantu ku jirta sidii loo kala badbaadi lahaa.
Hadaba haddii aan u soo dego qodobada qofba meel ula kacay bal aniguna markayga aan faruurta qabsado.Kow heshiiska waxaa uu ka kooban yahay todoba qodob kii horena todoba qodob .
todobaalay baaba ina baratay sidii Cali faruur ee uu yidhi inta dhawr jeer geel la soo dhacay ayuu helay mar walba sagaal neef oo geel ah, markaasu yidhi sagaalay baaba i baratay.
Waayahay qodobka u horeeya waa akhrideen in la sii wado wada hadalada
ka labaad in wixii lagu heshiiyay London iyo Dubai sideedii loo qaato hada garo todobada qodob waxaa ugu muhiimsana in loo wada hadlo laba dal oo siman waa qodobkii aynu u riyaaqnay waxba lagama bedelin miyaanay guul labaad ahayn. Halkaa weynu ku hamblyaynaynaa xukuumada iyo mucaaradkba wey ku guulaysteen inay sidoodii ahaadaan heshiisyadii hore.
Warqadanna wey ku xusan yihiin inay sidaas tahay ,maxaa hadhay aynu soo qaadano qodobka ka hadlaya nabadgelyada waa inoo dan waana faa’iidada ugu jirta dalalka reer galbeedka ah waayo macnaha ugu weyn ee meesha ku jiraa waxaa weeye nabdgelyadooda oo ku fushanayaaan danhooda gaarka ah ee ay inaga leeyihiin in aynu ka wada shaqayno mana diidi karno.
Waayo waa inay cid waliba ka dhex aragtaa danteeda inagana waa inoo dan in cadwga Soomaaliya inagaga imanaya iska ogaano iyaguna sidoo kale ,laaxin laga jari maayo.
Guusha kale ee inoo soo hoyatay waa maxay ee laga yaabo inaan la dhaadin shuruudii ahayd inaynaan la xaajoon cid Somaliland ka tirsan oo xil ka haysa Soomaaliya meeday Marwo Fawsiya Wasiirkii khaarajiga Soomaaliya ma is weydiisay muxuu u saxeexay Wasiirka Arrimaha guduhu. u fiirsada hoos u eega wax waa guul inoo soo hoyatay .Ta kale yaa warqada wada saxeexay? ma waxa aynu saxeexnay wax la inoo soo qoray mise wax laga wada hadlay haba lagu murmee ilayn meel lagu wada hadlayo muran wuu imanyaaye’.

maxaa ku qoran halka hoose laba dawladood iyo labadoodii Wasiir iyo dawlad weyn oo goob joog ka ahayd ayaa wada saxeexay kumaynaan saxeexin dawlad maamul hoosad ah la socda intaas oo dhan waynu ognahay inaanay weli ina aqoonsan.
Waan badiyay qodobka lagu murmay waa qodobka afraad muxuu leeyahy IN LA DHIIRIGELIYO IN LA SII WADO CAAWIMADA SOMALILAND oo kooban Ok, yaa wax laga saxeexay ee guusha leh iyaga oo ku mahadsan waa Soomaaliya si fiican ayay u aqbaleen yay ku socota warqadu ee caawimada laga rabaa . Ma Soomaliya mise caalamka, weynu garanaynaa waa caalamka qodobkaasina innaga ayuu ina anfacay waayo markii hore maxaa la ina siin jiray HUMANATERIAN AID waa nafta ku qabta oo waliba ay dawlada Soomaaliya inaga daba qaylin jirtay maxaa wax loo siiyay waraaqo dacwad ah ayay inaga qori jireen.

maxa shirka ay uga qayb galeen ilayn waxay u haystaan inay dusha inaga qabaane’, maantase waxaynu u madax banaanahay wixii caalamku ina siinayo shirki aynu ka qayb gelayno inaga oo heshiis ah isku salaamayna goobaha la isku arko wey ku mahdsan yihiin arintaas waxay og yihiin waxa aynu u sheeganayno ee aynu ka rabno warqadaasi waa markhaati cad oo loo kala diray caalamka oo dhan cid kasta oo ina caawin karta waa inay xafiis kasta oo Somaliland ah taala wasiir kasta oo dhoofayaana qaata tusaa cidii aynu wax ka rabno iyadoo hore loogu diray illaa jimciyada qurumaha iyo hayaadaheeduba . Intaas waxaan ku soo koobaya intii aan ka fahamay oo cid jeclaysi iyo xaglin toona waayo waaba loo dhamaa shirka mucaaradkana qaylo kama yeedhin .
Si kastaba ha ahaate arrintu waxay ku dambaynaysaa ha dhawaato ha dheeraatee tallada shacabka ayaa iska leh waxaanay ku dambaynaysaa REFURUNDOM oo shacbka mar labaad wax la weydiiyo iyado

NUUR IYO NAALEEYABA LOO DHAN YAHAY.

Salaanmedia/Hargaysa




Leave a Reply