Maxkamada Meleteriga Puntuland oo dil ku fulisay in ka badan 10 ruux oo horay xukkuno loogu riday.

Maxkamada Meleteriga Puntuland oo dil ku fulisay in ka badan 10 ruux oo horay xukkuno loogu riday.

niman-la-qisaasay
Wararka laga helayo magaalada Garoowe ee xarunta gobalka Nugaal ayaa waxa ay sheegayaan in 13 ruux oo horay loogu riday xukkunno dil ah maanta lagu fuliyay xukunadaasi.

Dhamaan dadka ladilay ayaa la sheegy in ay Shabaabnimo ku eedeesnaayeen,iyada oo xukunada ay ku riday maxkamada meleteriga maamulka Puntiland.

Inta badan 13-ka ruux ee maanta lagu fuliyay dilka toogashada ah ayaa waxaa la sheegayaa in ay ka soo jeedaan deegaanada maamulka Puntiland.

Waa markii ugu horeysay ee 13 ruux isku mar Punrtiland ay ku fuliso dil toogasha ah kadib xukun maxkamadeed.