Murashaxa Madaxweynaha UCID Oo Cambaareeyay Muddo Kordhinta Golaha Wakiiladda Somaliland

 

April 28th, 2013 

Hargeysa(SM):- Murrashaxa Madaxweynanimada Xisbiga Mucaaridka Ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa ku tilmaamay muddo kordhintii Golayaasha Barlamaanka Somaliland (Guurtida iyo Wakiilada) isu kordhiyeen muddada xilka mid khaldan oo afduub ku ah hanaanka dimuqraadiyadeed ee dalka Somaliland ka hanno-qaaday, isla markaana waxa uu sheegay inay ahayd qorshe ay Golayaasha iyo Xukuumaddu hore ugu soo heshiiyeen.

Sidaa Jamaal Cali Xuseen ku sheegay Warsaxafadeed qoraal ah oo galabta soo gaadhsiiyey Warbaahinta madaxa-banaan ee Somaliland.
Warsaxafadeedkii oo dhameystirana waxa uu u dhignaa sidan:
“Marka hore waxaan halkan salaanta Islaamka uga soo dirayaa guud ahaan shacabka Somaliland meelkasta oo ay jooggaan.
Sida aynu la wada socono 15 April 2013 fadhi uu yeeshay Golaha Guurtida Somaliland wuxuu muddo 2 sanaddood ah, mudo kordhin u sameeyey Golaha Wakiilada Somaliland,oo xilkoodu ku ekaa bisha May ee Sanadkan iyagoo tibaaxaaya codsi uga yimid madaxweynaha, haddaba sida Madaxda Xisbigaygu ay hore u soo jeediyeen,waxaan si buuxda halkan ugu cadaynayaa:-

1. Mudda kordhinta Golayaaha gebi ahaanba waa shay qaldan afduubna ku ah hanaanka Dimuqraadiyadeed ee dalka una ekaa qorshe ay Golashaasha iyo Xukuumudu hore ugu soo heshiiyeen.
2. Waxaad moodaa in aanay si buuxda uga wada tashan dhamaan dhinacyada ay ahayd in ay ka wada tashadaan, sida Xisbiyada qaranka, guddida doorashooyinka iyo cidd kasta oo kale oo talo laga weydiin lahaa arrinkani. Muddo kordhin laba sanadood dhan oo si dhayal ah laysaga sameeyo waxay burinaysaa balanqaadkii xukuumaddan Kulmiye ee ay ku balanqaaday in aanay wax muddo kordhin ah sameeyn doonin doorashooyinkuna ay sidooddii u qabsoomi doonaan.
3. Waxaa la baal maray,layskana indhi tiray Q42 ee Dastuurka Somaliland ,kaas oo sheegaya sababaha keeni kara muddo kordhinta Golayaasha wuxuuna u qoran yahay Q42 sidan:-
QODOBKA 42AAD
MUDDADA XILKA IYO XILLIGA DOORSHADA .

1. Muddada xilka Golaha Wakiiladu waa 5 (shan) sano oo ka bilaabmaya maalinta Maxkamadda Sare ay ku dhawaaqdo go’aamada doorashada.
2. Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqaya doorashada Golaha cusub bil ka hor dhammaadka muddada Golaha hore.
3. Haddii doorashada Golaha Wakiiladu ku qabsoomi weydo duruufo adag awgeed,Golaha hore ayaa xilka sii haynaya inta ay ka dhamaanayso duruuftaasi, lagana dooranayo Gole cusub
«Duruufaha adagi waa: dagaal baahsan, xasilooni darro gudaha ah, aafo dabiici ah oo culus sida dhul gariir, cudurrada faafa, abaaro culus; waxaana qiimaynaya kana go’aan gaadhaya Golaha Guurtida ka dib marka Golaha Xukummaddu sidaa soo jeediyo. »
Marna dastuurka Qaranka kuma jirto sababta ay cuskadeen golaha guurtiddu iyagoo weliba wax shaqo ahba aan ka sameynin arrinkii ay cuskadeen ee diiwaan gelinta doorashooyinka maadaama ay xukuumadda hadda jirta ee xisbigga Kulmiye ay waxba kama jiraan ka soo qaaday diiwaan gelintii hore ee $13 million ay ku baxeen ee ay xukuumaddii UDUB soo sameysay.
4. Ugu dambayntii waxaan halkan ka cadeynayaa in aanu si buuxda uga soo horjeedno mudda kordhintii Golayaasha,waxayna u muuqataa in deg deg,iyo wada tashi la,aan ay ku dhacay muddo kordhintaasi.Somalilandna waxay ku nabad iyo caano maashay wada tashi,istixgelin iyo isu tanaasul,sida hadda waxa u socdaana kama muuqdaan wada shaqayntii iyo istixgelintii Somaliland halka ay maanta marayso ku soo gaadhsiisay.”