Muslimiinta Sweden oo markii ugu horeysay loo ogolaaday in aadanka laga maqli karo dibada masaajidka(Daawo Muuqaal+Warbixin)

Muslimiinta Sweden oo markii ugu horeysay loo ogolaaday in aadanka laga maqli karo dibada masaajidka(Daawo Muuqaal+Warbixin)

 

Muslimiinta ku nool dalka Sweden ayaa waxaa la sheegay in markii ugu horeysay loo ogolaaday in aadanka masaajidkooda laga maqli karo dibada masaajidka arintaas oo ay soo dhaweeeyeen muslimiinta ku nool dalkaas Sweden

Markii ugu horeysay ayaa waxaa la sheegay in dalka Sweden ay muslimiinta ku nool ay salaada aadanka ka maqli karaan dibada iyadoona samaacadaha masaajidka oo inta badan ahaa jirin kuwo ku kooban gudaha masaajidka loo ogoladay in loo bixiya dibada taas oo keentay in aadanka salaadaha ay dadka muslimiinta ah ay ka maqli karaan banaanka masaajidka, iyadoona arintaas oo dhawaantaan ka hirgashay dalkaas Sweden ay isugu soo baxeen muslimiin badan oo ku nool dalkaas Sweden oo ku faraxsan guushaan u soo hoyatey dadka muslimka ah gaar ahaan kuwa ku nool dalkaas Sweden.

Daawo Muuqaal Ahaan Muslimiinta oo Banaanka Masjidka Buux dhaafiyay

Ugu dambeyntiina iyadoo arintaan ay tahay guul weyn oo u soo hoyatey dadka islaamka ah ayaa arintaan waxay tahay dhibaato haysata qaar badan oo ka mid ah dadka muslimiinta ah ee ku nool wadamda reer galbeedka oo ay dadkoodu inta badan dhibsadaan samaacadaha aadaanka salaada iyo qudbada masaajidada taas oo keentay in inta badan masajidada ay samaacadoohada ama mikroofanaddu ay ahaadaan kuwo ku kooban guddaha masaajidka oo aan dibada laga maqlin, arintaan oo ah mid biloow ah ayaa waxay noqon doontaan mid u horseeda inay ku daydaan wadamo badan oo aan wali laga ogoleyn in samaacadaha masaajidka loo soo saaro dibada oo laga maqlo banaaka masaajidka.