Oday dhaqameedyada reer Awdal iyo kulankooda loo bixiyey Wan-qasha Midnimada

April 11th, 2013   Comments Off

Boorame (SM)- Shirkan oo ay soo qaban qaabiyeen salaadiinta beel ka mid ah beelaha Gobolka Awdal, ayaa waxa ka qay galay salaaiinta dhaqanka ee gobolka Awdal, waxana goob joog ka ahaa wasiir ku xigeenka Wasaarada Waxbarashada Somaliland Md. Cali Xaamud Jibriil iyo xildhibaano kamid a golayaasha qaranka iyo golaha degaanka ee degmada Boorama, waxana ay ujeedadiisu ahayd dhinaca midnimada beelaha gobolka iyo adkaynta nabadgalyada.

Kulankan ayaa waxa ugu horayn ka hadalay Caaqil Daahir Cismaan Cilmi oo ku hadlay afka Suldaanka Beelaha reer Maxamed ee dhigay gogosha martiqaadkan waxana uu yidhi “ Waxa ay ahayd caleemasaarkii Suldaan Sh. Ibraahim Cabdi Riiraash markii uu balan qaaday inuu dhigo doono gogol dib loogu heshiisiiyo beelaha gobolka Awdal, sidaasi darteen horteed ayay mowaafaqo timid oo la heshiiyay, waxana uu Suldaanku yidhi waa in aan oofiyaa balantaydii, waxana uu maanta qabtay marqiqaad qado sharaf ah oo loo dhan yahay oo ay ka soo qayb galeen gabi ahaanba beelaha gobolka Awdal, waxana uu ugu magac daray “ WANQASHA MIDNIMADADA BEELAHA GOBOLKA AWDAL”.

Sul. Sheekh Ibraahim Cabdi Riiraash oo madashan martiqaadkeeda lahaa halkaasina ka haday ayaa ka soo jeediyay hadalo duco u badan oo uu Eebe ugu mahadnaqayo in bulshadiisu ay dhinac u wada jeesato, raxmaadkiina uu eebe u shubay.

Sheekhul Baladka Magaalada Boorama Sh. Cabdilaahi Sh. Cali Jawhar oo halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay martiqaadka noocan ah ee midnimada iyo walaaltinimada loogu gogol xaadhayo, waxana uu sheekhul baladku xusay inuu aad uga xun yahay shaqaaqadii dhawaan ka dhacday degaanka Xariirad, waxana uu yidhi “ Waxa nagu waajib ah inaan nabada u adeegno, waana si wanaagsan sidii laga yeelay xiisadii naxdinta lahayd ee ka dhacday Xariirad, waxana aan ku baraarujinayaa odayssha dhaqanka in la ilaaliyo nadgalyada beelaha aan jaarka nahay iyo baadigoobka midnimada dhexdeena ah.

Sul. Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal oo isaguna ka hadlay halkaasi ayaa u mahadnaqay salaadiinta soo qaban qaabisay martiqaadkan waxana uu yidhi “ Mahadnaq balaadhan ayaan ka celinyaa madashan, waxa kale oo aan sheegayaa in hadii aan nahay golaha ugu sareeya ee odayaasha dhaqanka ee Beelaha Goboladan inaan diyaar u nahay inaan dhamayno inta noo dhiman anaga oo eebe ugu mahadnaqayna inta noo qabsoontay, waxana aan sheegayaa in aan mar kale diyaar u nahay dhamaytirka hawsha mudada soo socotay inta ka dhiman ee ay dadku naga sugayaan”.

Sul. Ibraahim Dacar Yuusuf oo isaguna ka hadlay halkaasi ayaa yidhi “ Waan mahadnaqayaa, waxana aan intan ku darayaa in loo baahan yahay in halkaasi laga sii amba qaado ujeedada ka dambaysa ee martiqaadka gogoshan uu noo dhigay Sul. Sheekh Ibraahim ee uu ugu magac daray Wanqasha Midnimada, waana run maanta in beelaha gobolku ay heshiis yihiin, loona baahan yahay in la dhamaystiro inta dhiman”.
Imaam Xaaji Axmed Miisaan Aare oo ka hadlay halkaasi ayaa isaguna xusay in uu imaamku yahay mid muhiim ah hanoqdo midka salaada, ama midka dhaqanka waxana uu yidhi “ Imaam waxa uu yidhaa ISTAWUU, sidaasi darted waxa aan leeyahay beelaha gobolka ISTAWUU”

Sul. Abiibakar Cilmi Wabar oo isaguna ka hadlay halkaasi ayaa soo dhaweeyay martiqaadkan waxana uu yidhi “Mar hadii gobol na loo fidiyay oo layidhi gacmaha isasaara waxa inala gudboon waa duco, duacadana waan qaadanaynaa, waxa aan sheegayaa in hawlahu ay meel fiican marayaan, waxana aan ku faraxsanahay in beelahii goboladan oo marar badan la lahaa maxaa idinka qaldan ay maanta midnimo muujiyeen, waxase aan intan ku darayaa in loo baahan yahay in la samro oo loo adkaysto sidii loo dhamaytiri lahaa inta inoo dhiman”.

Sul. Ibraahim Jaamac Samatar oo kulankan soo afmeeray ayaa waxa uu sheegay in martiqaadkani uu yahay mid muhiim ah oo astaan u ah in wax badan oo hore u jiray la soo afjaray, waxana isaga oo la hadlaya qurbojooga uu yidhi “ Dhamaan qurbojooga iyo dadka gudahaba waxa aan u sheegayaa in maanta beelahii goboladan Awdal Salal iyo Gabilay ay midoobeen oo ay dhisteen gudi ka kooban 36 xubnood oo u arimisa, waxa aan balan qaadaynaa inaan ka shaqayno midnimada iyo wadajirka dadkeena, dadka nala jaarka ah iyo guud ahaan Somaliland, taasi ayaa naga daacad ah oo hada kadib lanaga sugayaa”

Si kstaba ha ahaatee waxa xusid mudan in madashan aanu wax hadal ah ka jeedin Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Waxbarashada Somaliland oo goob joog ka ahaa, isla markaana ay tan la qabeen xildhibaano iyo siyaasiyiin kale oo madasha fadhiyay loogana bartay in madalaha noocan oo kale ah ay khudbado ka jeediyaan.

Waxa kale oo iyaduna xusid mudan in intii ay odashaasha dhaqanka ee madashan ka hadashay ay khudbadaha ku guda jireen ay muujinayeen taxadir dheeraad ah, afkoodana ka dhawrayeen soo hadal qaadka siyaasada iyo ka faaloodka taariikho hore oo xanaf lahaa oo ay kukala aragti duwanaan jireen odayaashan dhaqanka ee midnimadu ay maanta ka muuqatay.

Salaanmedia/Borama