Dhamaan taageerayaasha Xisbiga Waddani iyo dadweyna reer Somaliland ee degan dalka UK waxa la ogeysiinayaa in maalinta Sabtida tariikhdua tahay 20.4.2013 6 habeenimo ilaa 2 subaxnimo ay gudida qaban-qaabada Xisbiga waddani kusoo diyaariyeen xaflad weyn oo loogu debaal-degaayo guushii xisbiga Waddani ee ka mid noqoshada xisbiyadda Somaliland ee soo baxay.
Xafladda Debaaldega waxa inoogu marti ah Gudoomiyaha Barlamaanka Somaliland ahna Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, Dr Maxamed Cabdi Gaboose iyo madax kale oo ka tirsan xisbiga Waddani.
Xafladdu waxay kadhicidoontaa magaalada London (Central London) goobta ay xafladdu kadhacayso ciwaankeedu waakan hoos kuxusan. Waxa kale oo laguu diyaariyey mada-daalo . Cinwaanka fadlan xaga hoose ka eeg.Wakhtigana hala ilaaliyo.