Puntland oo Deegaanada ay ka taliso kusoo Kordhisay Gobol Cusub oo Magac Cajiib ah leh.

.

news-image1

Golaha wasiirada maamulka Puntland oo kulankoodii caadiga ahaa yeeshay ayaa meel mariyay Gobol iyo degmooyin kusoo biiraya deegaanada Puntland kuwaas oo ay soo hordhigtay wasaarada arimaha Gudaha Puntland oo qorshaha soo kordhinta gobalada wadata .

Gobolka kusoo biiray Gobolada Puntland ayaa loo bixiyay Guardafu iyadoona caasimada looga dhigay Gobolkaas Degmada Caluula oo horay uga tirsanayd Gobolka Bari iyadoona sidoo kale degmooyin ay noqdeen Magaalooyinka Murcanyo oo katirsan Gobolka Cusub iyo degmooyin kale oo ku yaala Gobolada Puntland.

Magaalooyinka degmooyinka laga dhigay ayaa waxaa kamid ahaa Buraan iyo Ceelaanyo oo katirsan Gobolka Haylaan halka Tawfiiq oo iyaduna Gobolka Mudug ka tirsan laga dhigay degmo.

Gobolkaan iyo degmooyinkaan ayaa Golaha wasiiradu meel mariyeen iyadoona qorshuhu yahay in dhawaan la hor-geeyo Golaha wakiilada Baarlamanka Puntland si ay iyana u meelmariyaan ama u diidaan.

Gobalada Puntiland ayaa horay u ahaa sideed iyada oo hadii baarlamaanka maamulka Puntland uu arintaani meel mariyana ay noqonayaan sagaal gobol.

 

Salaanmedia/Burco