26 / 6 / 1994
—- —- —- —-
Qofba shiinka uu garana yuu
Dhabuga sheekayne
Skaki iyo waxaan muran lahayn
Maan ka shabax siiyo
Shaal iyo xarii maan sudhoo
Shaadir uhagoogo
Sharaf ay mudnaa tiyo anaag
Runa kashee keeyo
.
Sharraxaadda aan marinayiyo
Shiinku waa quruxe
Shooc iyo waxaan maaganay
Aan dadka usheego
.
Shuhrad weeye lagu beerinoo
Shaadh xumaan toline
Shuush iyo dhibaatada lahayn
Shar iyo qaar kiiye
Aan shuufa deris keedu odhan
Ceebna loo shmine
.
Shar wixii la diidiyo aqoon
Shaaqib kii darane
Shiqaaqada tolkiyo aan jeclayn
Sheexis kii gacale
Shawr xaajigeediyo latalo
Shamal caruur teeda
.
Anuunbaa sidaa shooyan kara
Haanin shuqul keedu
Shammir kii (xadiis iyo QURAAN )
Haatay shicib koode
.
Shishe xaajadee diyo tadow
Shiilid wada eegta
Shuruudeed karaamiyo cadliga
Shaahid loo furayo
Shidhadii wanaag loo baxshiyo
Waalid keed shabah dhe
.
Shifo ducada loo maray ilaah
Wada wada sharaab sii dheh
Shaydaan ka naarane marwiyo
Waa shamsiyo nuur dheh
Shaqal kii gobeed iyo xarago
Shalalam toodii dheh
Shuruuq doo iftiintiyo ilays
Waa shucaac baxa dheh
.
Shareer kii magool iyo caleen
Shuuxa iyo roob dheh
Shucuur teeda farax iyo jacayl
Shaan baddii nabad dheh
Shirar keeda khayr iyo dadaal
Shaakir iyo guul dheh
Sida shiikhda culimiyo wadaad
Edeb shidh keedii dheh
.
Shinnidii afkaariyo wax garad
Waa shiraba heed dheh
Shinbir caafimaad iyo nimcada
Shahama doodii dheh
.
Shebed nimo kolkii ay ahayd
Manta iyo shaanbis
Shakal keedu sida dheemantii
Waa shariid qudhahe
Shayna dunida kuma waarayee
Maalintii sharadda
Shafeecii rasuul kiyo ahaw
Awliyada sheegan
Maxamuud cismaan faarax ( moholin )