Shir Hordhac ah oo maanta Istanbul uga furmay Somaliland iyo Soomaaliya

April 11th, 2013 Comments Off

Wasiir-xirsi

 

 

 

 

Istanbul (SM)- Shir hor dhac ah oo lagu diyaarinayo ajandeyaasha wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ee heer madaxweyne ayaa maanta ka furmay Magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Shirkan waxa loo saaray Guddi ka kooban min shan xubnood oo ka kala socda Somaliland iyo Soomaaliya, waxaana shirkan gudoominayay saraakiisha wasaarada khaarajiga Turkiga ka tirsan.

Gudida Somaliland

Wasiirka Arrimaha dibadda Maxamed Cabdilaahi Cumar (Guddoomiye)
Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan
Wasiirka shaqadda Maxamuud Barre (Garaad)
Guddoomiye Ku xigeenka koowaad ee Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax
Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe

Gudida Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha C/Kariim Guuleed (Guddoomiye).
Wasiirka Madaxtooyadda Faarax Sh. C/Qaadir
Cabdilaahi Sheekh Ismaaciil Xubin Baarlamaan.
Maxamuud Xayir Xubin Baarlamaan
Khaalid Cumar Cali Xubin Baarlamaan
Salaanmedia/Hargaysa