Sir ku socota Ragga iyo Dumarka + Daraasad

Sir ku socota Ragga iyo Dumarka + Daraasad

Apr 11, 2013 

Cilmi-baaris- nafsi ah oo laga qaaday dad aad u tiro badan, ayaa lagu xaqiijiyey in raggu jecel yihiin in la ixtiraamo oo ay magac iyo maamuus ku yeeshaan dunida guudkeeda, halka dumarkuna aad uga helaan in la jeclaado oo raggu ku mashquulaan daawashada quruxdooda,

Qoraaga Emerson Eggarichs ayaa Buug uu qoray oo la yiraahdo Jaceyl iyo Ixtiraam (Love and Respect), ayaa hore loogu shaaciyey in dumarku jaceylka ugu baahan yihiin siday hawada ugu nool yihiin, halka ragguna u baahan yihiin ixtiraam dheer.

Lakin Daraasadda buuggan oo 400 oo nin lagu waydiiyey jaceylka iyo ixtiraamka midka ay door-bidaan, waxay 74%-kiiba tilmaameen inuu jaceylka uga qiimo badan yahay in la ixtiraamo oo bulshadu si weyn u karaameeyaan ama xiiseyaan.

Sidoo Kale Haween tiradaas oo kale ah oo iyaguna xog-ururinta dookhooda nololeed ah lagu sameeyay, ayaa sheegay in ixtiraamka ay ka door bideen inay helaan lammaane jecel, waxaanu qoraaga buuggani hoosta ka xarriiqay in dumarku jaceylka u baahan yihiin sida ay qaadashada hawada ugu baahan yihiin.

Geeska Kale Daraasado laga sameeyay gudaha dalka Maraykanka, ayaa iftiimiyey in raggu aad u jecel yihiin magaca weyn iyo lacagta, halka dumarkuna inta badan ku hamiyaan inay helaan nin aad u jecel oo kaliya.

Ugu danbeeyntii Marka buuggan iyo daraasadahan la isku eego waxa soo baxday in raggu aad u jecel yihiin sharaf iyo karaamo bulshadu ku qadariso, halka haweenkuna wax kasta ka door-bidaan in ay helaan Nin aad u jecel oo noloshooda macaanteeda tusin kara.

Zuhayla Abdi Ali 

Â