Somaliland Qoddobada Mihiimka U ah, Iney Shirka London Ka Qeybgasho. Waa Maxey!!!

Somaliland Qoddobada Mihiimka U ah,

Iney Shirka London Ka Qeybgasho. Waa Maxey!!!

 

 

Qalinkii Ambassdor Abdirizak Diinaari

 

Marka hore, Slaan diiran. Salantaas kadib. Anigo ka duulayaa, iney Mudo badanba waxa soo noqnoqoneysey, Caasumada shirka London ee dowlada Engiriska. Waxaan qabaya in la tix galiyo. Arimo Diplomasiyadeed awogood.

 

Sababta oo ah inagoo egeyna ixtiramka shirki hore ee dowalada ingiriisku qabatey ee qodobkii wax ku oolka ahey ku soo dartey, Qodobadii ka soo baxey dowladda Ingrisku. Ee ahaa Qodobka lixaad. Febuary,2012kii

 

Hadaba waxan qabaa in Madaxweyne Siilaanyo u Gudbiyo Codsigan Dowladda Ingiriska shirka kahor.

 

  • Iney Dowladda ingiriisku usoo Casunto Somaliland sida Dowladaha jarka la ah Somalia
  • In Shirka laga Siiyo, Muddo Kooban oo ey Somaliland kaga hadli karto.
  • Iney Somaliland ka tala bixin karto Deganashaha Somalia. Kana cadeyn karto badheedhaheda siyasadeed iyo Qadiyadda Somaliland ee Gooni Isu Taaga.

 

Waayo Fursadda ku jirtaa, waxa weeye, 50 Dowladood oo Calamka ah baa imanaaya. Hadii lagu siiyo fursadd aad ku hadasho. Laguna so casumo meeqaah ah, Dowlad ey Jaar YIhiin, Somalia Ey waxyaaban ka dhaxeyaan Somaliland Iyo Somalia.

Waxa lagaga maar maan ahey iney Somaliland ogaato Qadiyadda shirka ka soo baxda iyo waxa lagu meel mariyo, oo laga yaabo iney sameyn ku yeelan karto Somailand.

 

Taa ugu weyni waa Somaliand oo ka dhex hesha Xidhiidhyo Cusub oo Calami ah iyo Dowladdo badan oo Barta Somaliland iyo Qadiyadeeda. Lagana heli karo Xidhiidh Cusub oo Diplomasiyadeed wadamo badan.

 

Markaa Hadii Madaxweyne Siilaanyo ka jeediyo, khubad ka ku saabsan, Qadiyadda Somalilalnd Jiritaankeeda. Iyo Mid ku Saabsan Sida looga hir galin karo nabad waarta Samalia iyadoo laga tusaale Qadanayo sidey Somaliland ku soo dhisantey,

 

Waxaan u arkaa Iney guul tahey, Somaliland Usoo hoyatey. Markaa halga qeyb gallo hadii sidaas lagu soo casumo Somaliland.

 

Dowladda Ingiriiskana, Madaxweynuhu waakii inoo sheegey inu ku yidhi David Cameron. Waan soo tashanayaaye. Taladiisu Ha noqoto. Waan imaneyna. Balse waxan kaga soo Qeyb gali karaa shirkan wajiga noocan ah iyo Qodobadan kor ku soo sheegey

Waa laga yaba iney Dowlada Ingiriisku Tix galiso. Oo la aqbalo.

 

 

Taasina ey u tahey Somaliland oo 50 Dolwadeed Qadiyadeeda Dhageystaan. Madax cusub Aduunkana ey ku barato Xidhiidhna ey Halkaas ka Abuuran.

 

Waayo shirarka Caalamka waa Melaha la isku bartaa ee lagu qaato. Business Card aya ugu yar. Sidaas darteed Somaliland Hadii ey Agendahaas gudbiso oo laga aqbalo waa guul aan la heli Karin.

 

 

Ambassador Abdirizak Diinaari

Diinaari1960@gmail.com