Soo dhaweyntii Dalka Norway G.B Somaliland ahana G Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Ciro.

Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Somaliland, isla markaana ah Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane C/raxmaan Maxamed C/laahi (Cirro), ayaa booqasho ku jooga dalka Norway. Guddoomiyaha ayaa Norway u yimid hawlo qaran iyo hawlo Xisbi.

5

Guddoomiye C/raxmaan Cirro waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyey xubno isugu jira jaaliyadda Somaliland iyo taageerayaasha Xisbiga ee ku dhaqan dalka Norway.

3ciro

Guddmiyuhu wuxuu maalinta Axadda ah la kulmi doonaa jaaliyadda Somaliland iyo taageerayaasha Xisbiga Waddani.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Mudane C/raxmaan Cirro wuxuu maalinta Isniinta kulan la qaadan doonaa qaybo ka mid ah baarlamaanka Norway, maalinta Salaasada ahna wuxuu la kulmi doonaa Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee dalka Norway.

4

Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Somaliland ayaa intaa kaddib lagu wadaa in uu u ambabaxo carriga Ingiriiska oo uu kulamo kula qaadan doono jaaliyadda Somaliland ee dalka Ingiriiska ku dhaqan iyo taageerayaasha ballaadhan ee Xisbiga Waddani ee dalka Ingiriiska ku sugan.

 

Waddani/Media

Norway