Soomaali Silac ugu geeriyooday xabsi ku yaala dalka Liibiya iyo qaar kale oo xaalkooda laga deyrinayo

liibiya

Xabsi kuyaala Magaalada Triboli ee Caasimada Dalka Liibiya ayaa waxaa ku xidhan in kabadan 200- Qof oo Soomaali ah. Maxaabiista halkaa ku jira in kabadan hal sano ayaan wali Maxkamad   lasoo taagay.


Xabsiga Duweeshiya oo kuyaala Magaalada Tribuli ee Caasimada Liibiya ayaa Soomaalida ku xidhan waxa kala kulmaan dhibaatooyin aad u badan waxaana jira Soomaali gudaha xabsigaasi ugu geeriyooday silica iyo xanuuno lasoo darsay kuwaa oo waayay wax daryeel caafimaad ah.

Maalintii shalay Gudaha Xabsigaasi waxaa ku geeriyooday Maxmuud Cilmi Diiriye oo 41 Sano jir ahaa kaa oo in mudo ah Gudaha Xabsigaasi ku xanuunsanaa mana helin wax daryeel caafimaad ah iyadoona Xanuunkii hayay ugu dambeyn uu Maalintii shalay ugu geeriyooday Gudaha Xabsigaasi sida uu Shabakada Salaanmedia uu  u sheegay C/Qaadir Siraaji oo kamid ah Soomaalida ku xidhan  Xabsigaasi.

Siraaji ayaa intaa ku daray in dhibaatooyin badan ee ku heesato gudaha Xabsiga tirada hada ku xidhan Xabsigana gaadhayaan ilaa 200-oo qof oo Soomaali ah oo halkaasi ku xidhan in kabadan Hal Sano iyada aysan jirin wax maxkamad ah oo lasoo saaray Maxaabiistaasi Soomaaliyeed.

‘’Walal xabsiga aan ku jirno waxaa nagu haysta Silic aad u badan waxaana ugu daran Xanuun ma helno Daryeel Caafimaad Marxuunka shalay dhintay in Mudo ah uu xanuunsanaa wax daaweyn ahna ma helin Shalay ayuuna dhintay , Dadka xabsigan ku xiran waxaa kamid ah Dad xanuuno darteed Xabsiga ku indho belay oon hada waxbo arkeyn xaaladoodana ee aad u liidato , xabsiga waxaa kaloo ku jira kuwa kale oo badan oo aad u xanuunsanaa kuwaa xabsiga iskaga xiran iyaga oon haysan Daryeel caafimaad ‘’ ayuu Yiri C/Qaadir Siraaji oo aad u Murugeesnaa xiliga uu nala hadlayay.
 

Maxaabiista ku jira Xabsigan kuyaala Dalka Liibiya ayaa markii hore tiradooda aheed ilaa 400-qof hasa ahaatee 200-oo kamid ah ayaa lagu sii daayay lacago laaluush ah oo gaaraya qofkiiba Kun Dollar , mana jirto wax ee Dowlada Soomaaliya iyo Safaarada Soomaaliya ee kutaala Liibiya ee ka qabatay dhibka Soomaali badan ku heesata Xabsiyada Dalka Liibiya.

Soomaalidan ku silicsan Xabsiyada kuyaala Dalka Liibiya ayaa Dowlada Soomaaliya ka codsadeen in Noloshooda kasoo gaarto eena kasii deeso Xabsiyada Dalkaasi ee iska xiran yihiin mudo sanado ah iyaga oon wax maxkamad ah la saarin eena jiraan kuwa badan oo Xabsiyada Dalkaasi xanuuno iyo silac ugu geeriyooday iyo kuwa iminka xaalkooda alow sahal tahay quraan saarna lagu wado.

Hadaba Cidii Dooneysa in ee la Xariiro Soomaalidan ku dhibaateesan Xabsiga Duweshiya ee Dalka Liibiya waxa aad kala Xadhiidhi  karaan.

+218926026165 Ama +218927517954

 

Salaanmedia/Liibiya