Suldaan Maxamed Cabdiqaadir oo Ka Digay Inay Salaadiintu Faro-Geliso Doorashada Maayarka Hargeysa

April 12th, 2013 Comments Off

Hargeysa (SM) – Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland, Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa si adag uga digay in Salaadiinta Beelaha iyo Bulshada kaleba ay fara-gelin ku sameeyaan doorashada ay xildhibaanada Golaha Deegaanka Caasimadda Hargeysa ku dooranayaan Maayarka bedeli doona Maayarkii geeriyooday Marxuum Yuusuf Warsame Siciid, kaas xumadda ololihiisu dhawrkii habeen ee la soo dhaafay xoog u ruxday caasimadda Hargeysa.

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdi-Qaadir oo caawa qaar ka mid Warbaahinta ugu waramay magaalada Hargeysa, ayaa ugu horeyn tacsi u diray qoyskii, eheladii iyo dhammaan shacabka caasimadda Hargeysa iyo guud Somaliland-ba, isagoo ka tacsiyadeeyay geeridii naxdinta lahayd ee ku timid maayarkii Hargeysa, Marxuum Yuusuf Warsame Siciid, waxaanu Suldaanka Beelaha Somaliland sheegay in doorashada Maayarka bedelayada uu isagu ku talin lahaa in lala sugo inta asayda ay dhigayso xaaska Marxuumku.

“Waxay ahayd in la sugo inta ay gabadhu asayda dhigayso, laakiin maadaama oo ay dhici wayday kaambayna lagu jiro, waxaan ku talinayaa oo aan u soo jeedinayaa bulshada caasimadda Hargeysa, Salaadiinta, Siyaasiyiinta, Mudaneyaasha Baarlamaanka iyo xukuumaddaba, in loo daayo go’aanka ay Maayarka ku dooranayaan 25-ka Xildhibaan ee golaha deegaanka Hargeysa, cidii ku haboonna ay iyagu iska soo dhex saaraan,” ayuu yidhi Suldaan Maxamed.

Sidoo kale waxa uu Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir si gaar ah uga digay inay Salaadiinta ama goleyaasha dhaqanku faro-gelin ku sameeyaan doorashada Maayarka ee hadda ololaheeda lagu jiro, waxaanu yidhi: “Reer kasta cid baa kaga jirta xildhibaanada golaha Degaanka Hargeysa, sidaas darteed looma baahna in Salaadiinta iyo Bulshada kale ay arrintaasi doorashada maayarka fara-geliyaan iyo cidda isu sharaxaysaba.”

Ugu dambayntii Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland waxa uu u rajeeyay in cid walbaaba ku qanacdo cida la soo doorto, xildhibaanadu ay u shaqayn Waxaanu u rajeeyay in cidii la doorto lagu wada qanco, aanay u shaqayn doono caasimadda Hargeysa iyo baahideeda.

Salaanmedia/Hargaysa